Shacabka reer Gabiley oo Dhoollatuskii ugu ballaadhnaa kusoo Dhaweeyey madaxweynaha JSL

0
17

Shacabka reer Gabiley oo Dhoollatuskii ugu ballaadhnaa kusoo Dhaweeyey madaxweynaha JSL

 

Hargeysa:07/11/2024(WMG)-Bulshada ku dhaqan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, ayaa soo dhaweyntii ugu ballaadhnayd ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalinta labaad ee ololaha xisbiga KULMIYE kala qaybgalay maanta.

 

Qaybaha kala duwan ee shacabka reer Gabiley oo ku lebbisan calanka KULMIYE, sawirrada murrashaxiinta xisbiga KULMIYE-na lulaya, ayaa madaxweynaha kaga hortegay duleedka galbeed ee magaalada Gabiley, waxana uu madaxweynuhu gacanta u taagay kumannaankii taageere ee hareerihiisa soconayey oo muujinayey taageero quluubtooda ka imanaysa.

 

Madaxda degmada, saraakiisha ololaha xisbiga u qaabilsan gobolka Gabiley, salaadiin, cuqaal, xildhibaanno, wasiirro iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga mahad celiyey sida xamaasadda leh ee bulshada reer Gabiley usoo dhaweeyeen madaxweynaha oo haatan ah murrashaxa xisbiga KULMIYE, waxana ay xuseen in codka Gabiley yaallaa yahay mid uu xisbiga KULMIYE si gaar ah ugu xisaabtamayo.

 

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, ahna murrashaxa jagada madaxweyne-ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE, ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta diirran ee reer Gabiley ku qaabileen, waxana uu ka codsaday inay codkooda si aan kala hadh lahayn ay ugu hiiliyaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka reer Gabiley, ayaa si kal iyo laab ah ugaga mahad celiyey soo dhaweynta cir baxa ah ee ay ku qaabileen, waxana uu ka codsaday inay ka fiirsadaan qaabka ay codka u siinayaan murrashaxiinta KULMIYE maalinta codbixinta, islamarkaana ay ka ilaaliyaan surma-seegto.