Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Oo kulan la qaatay Culimada Dalka

0
28

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Oo kulan la qaatay Culimada Dalka.

 

Hargeysa-05-12-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan muhiima la qaatay culimada waa weyn ee dalka. Kulankaas oo daaranaa duco iyo sagootin ay Madaxweynaha Qaranka ugu yimaadeen Culimadii ay soo wada shaqeeyeen mudadii uu xilkq Qaranka hayey.

 

Madaxweynaha ayaa culimada ugaga mahadnaqay sidii hufnayd ee ay ula soo shaqeeyeen muddadii uu xilka hayey, iyaga oo culimaduna dhankooda madaxweynaha uga mahadnaqay xidhiidhkii  hufnaa iyo sidii uu kaalintooda culimonimo ugu qaddariyey intii lagu gudo jirey muddo xileedkiisa.

Wa-bilaahi tawfiiq