Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo xadhigga ka jaray Huteelka dawliga ah ee Hargeysa Club

0
26

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo xadhigga ka jaray Huteelka dawliga ah ee Hargeysa Club.

 

Hargeysa-07-12-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray huteelka dawliga ah ee Hargeysa Club oo ay dawladdu dib u casriyeysay.

 

Munaasibadda xadhigga lagaga jarayey huteelkan oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay hay’adaha kala duwan ee dawladda, badhasaabka gobolka Maroodijeex iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo diiradda lagu saaray muhiimadda uu huteelkani u leeyahay dawladnimada iyo sida uu meesha uga saaray baahidii xukuumaddu u qabatay inay yeelato Huteel ay gaar u leedahay.

 

Ugu horrayn, agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay xukuumaddu u gashay in la helo huteel casri ah oo dawladdu leedahay, kaas oo si fudud loogu marti gelin doono cid kasta oo dawladda u timaadda.

 

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Mudane Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa dhankiisa madaxweynaha ku bogaadiyey go’aanka uu qaatay sidii uu huteelkani ugu soo noqon lahaa gacanta dawladda, islamarkaana laga dhigo mid casri ah oo la jaanqaadaya dhammaanba huteellada gaarka loo leeyahay.

 

Wasiirrada wasaaradaha ganacsiga iyo hawlaha guud, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Mustafe Godane oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si qoto dheer u sharraxay dedaalka uu madaxweynuhu u galay in xukuumaddu yeelato huteel casri ah, lagana maarmo baahidii loo qabay huteellada gaarka loo leeyahay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa bogaadiyey cid kasta oo kaalin ka qaadatay inuu huteelkani hirgalo, waxana uu ku tilmaamay guul weyn oo qaranku gaadhay dheeftiisana loo wada aayi doono.

Wa-bilaahi Tawfiiq