Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Cabdinajax Siyaad.
Hargeysa-11-12-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Masallaha ee koonfurta Hargeysa loogu sameeyey marxuum Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi oo ahaa la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, isla markaana ahaa Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Kulmiye.
Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Cabdinajax Siyaad waxa madaxweynaha kala qaybgalay madax katirsan hay’adaha kala duwan ee qaranka, xildhibaanno, saraakiil katirsan xisbiga KULMIYE, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, iyada oo marxuumka Eebbe looga baryey inuu janooyinkiisa ka waraabiyo.
Marxuum Cabdinajax Siyaad ayaa kamid ahaa saraakiisha sar sare ee xisbiga KULMIYE iyo la taliyaha madaxweynaha, waxana ku suntanaa dal dhis iyo horumarinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wa-bilaahi Tawfiiq