Afar Iyo Labaatankii Sanadood Ee Somaliland Jirtay Dhawr-kaa Bilood Ee Agaasimaha Guud Iyo Wasiirka, W-ku-xigeenku Joogeen Ayaa Shuushkii ,,,,‏

0
473

Afar Iyo Labaatankii Sanadood Ee Somaliland Jirtay Dhawr-kaa Bilood Ee Agaasimaha Guud Iyo Wasiirka, W-ku-xigeenku Joogeen Ayaa Shuushkii ,,,,Alle Ka Dul Qaaday Dhakhtaradii Iyo Shaqaalihii Wasaaradyba Hor’umar Iyo Fursadaba Ay Heleen MAANGAABOW

Af aan garaabin islaam kuma yaalo ayaa hore loo yidhi.

Waxaan manta u holoday qoraalkan kooban inaan ka marag kaco xaqiiqada taala W.X.Xoolaha tadawurka iyo hor’umarka balaadhan ee ay ku talaabsatay mudadaa kooban ee Wasiirka, Ku/xigeenka iyo Agaasiimaha Guud ay hayeen maamulka wasaarada. Waxaana igu kelifay inaan ka markhaati kaco da’daalka iyo waxqabadka ay fuliyeen mudadaa kooban anigoon ugu eexan ama taageerin qabiil iyo qows toona oo aanan midnaba wadaagin,
markaan eegay halka ay gaadhsiisan tahay tamaniga himilada, hiigsiga iyo hanka horumarka leh ee masuuliyiinta wasaarada ee aan eex, kala-jeclaysi ama soo kaladhawaysi midna lahayn.

Markaan eegay halka ay taagnaan jirtay iyo sida ay ahaan jirtay wasaaradu iyo nidaamkeeda dhaqan dhaqaale.
kadib markaan arkay in badan oo maangaab ah ama sida liidata u fekera oo aan garaad muc lihi kujirin oo meelahaa wax ka leh-leh
Waxay ila noqotay in aan wax yar dulmar ku sameeyo, siday wax ahaan jireen iyo sida hawluhu yihiin si maangaabku ama cuqdadlawgu u garwaaqsado qoraalka allena uu u yaqiinsado.

Hada ogow ka hadli mayo qof shaqaale ah oo xuquuqdiisii mushahar ama shaqo ka cabanaaya ama dulmi iyo xadgudub tirsanaaya, ee waxaan ka hadlayaa miskiinka hada uun shaqada soo galay ee arkay shaqaale tababaro tegaaya, shaqaale firinfircooni, akhlaaq, aqoon iyo hawlkarnimo leh ee meelahaa ka leh waa layga xigtaystay ama waa loo qaraabo kiilay iyo wax lamid ah.

Hadaba Miskiin, Bilaa Karti, Bilaa aqoon Maangaab sxb Cuqdada iska saar war nabadana lagu sii.
SIDAY KA AHAAN JIRTAY WASAARADU AQOON KORODHSIGA IYO HAWLAHA DIBADA AY UTAGAAN HAWL-WADEENADEEDU IYO SHAQAALAHEEDA KALA DUWANI.

Mudadaa Somaliland jirtay gaar ahaan intii Xukumada Kulmiye Talada Haysay MAAMULKAN IYO MADAXDAN HADA JOOGA KA HOR, Shaqo kasta iyo Aqoon korodhsi kasta oo dibadeed oo WAAX, QAYB ama UNUG wasaarada kamid ah khusaysa waxaa bixi jiray oo tegijiray AGAASIIMAHA GUUD ama AGAASIIME WAAXEED. Waxaana lamaqli jiray DGgii ama AGaasime waaxeed Hebel ayaa shaqada noocaas ah u baxay, hada waa shaqo unug ama xafiis qaybeed khusaysa oo dawlad heblaayona waxaa kasocday shaqaalaha xafiis qaybeedkii loogu talo galay. Waxaanay ahayd ceeb dhicijirtay.

Balse intii maamulkan iyo madaxdan wasaarada joogaa talada hayeen may dhicin in DG, AG/WAAXEED AMA WASIIR uu u baxo ama tago shaqo iyo xirfad korodhsi xafiis qaybeed leeyahay oo ay shaqaale hoosaad dawlado kale iyo wasaarado kale safar lagalaan.

Waxaa marag madoon ah intii Wasiirada (Omar yare, Ali gadh-dheer) iyo DG (Jama Odowaa) joogeen wasaarada ay tiradii ugu badnayd ee shaqaalaha Xirfada Caafimadka Xoolaha iyo shaqaalaha kaleba ay ubaxaan TABABARO iyo AQOON-KORODHSIYO Dibadeed wakhtiyo badan oo kala duduwan taasoo aanay ku dirin ama ku xulanin qof jeclaysi iyo eextoona. Balse ay tababar kasta xafiiska ama qaybta uu khuseeyo toos loogu gudbiyo cida kusii shaqada lehna lagu qoro oo ladiro.
TUSAALE CAD:

TABABARADA IYO COURSOOYINKA DIBADA EE WASAARADU SHAQALAHEDA UDIRTAY MUDO KOBAN
Markii u horeeyey Intii 3dan masuul joogeen waxay u direen course aqoon korodhsi ah oo laxidhiidha SHAYBAADHKA 2ba Dr. oo shaybaadhka kashaqeeya mudo 4bilood ah dalka Ethiopia.

Markii xigay waxay dhawr jeer oo kala dambeeyey udireen shaqo hawleedyo (Seminars) iyo shirar (Meetings) laxidhiidha Xoolaha iyo horumarintooda Dhakhtaro badan oo ka kala socda Dhakhaatiirta xarunta, Vet-Board ka, gobolada iyo maxjarada kuwaas oo ka kala dhacay Ethiopia iyo Djabouti. Kuwaas oo loogu xulay sida ay u kala khuseeyaan.

Markii xigay waxay u direen dalka Djabouti 16ban dhakhtar mudo 5cisho ah tababar waxaana loogu dhejiyay boodhka warbixinta shaqaaluhu kala socdaan ee wasaarada waxaana tegay oo fiisihii Djabouti loodalbay 16kii ugu horeeyey ee soo xaraystay passporadoodii. Mid loodiiday iyo mid si kale lagaga reebay midna may dhicin. Ee intii ugu soo hor xaraysatay ayaa ka calaf qaaday.

Markii xigay waxaa tababar laxidhiidha habka Baadhista (Test Procedures) shaybaadhka dhakhaatiirta shaybaadhka.

Markii ugu dambaysay waxay wasaaradu soo dhejisay inay soo xaraystaan cidii danaynaysaa documentgooda KOORSADA/course ah COURSE FOR VET STAFF FROM GREATER OF HORN OF AFRICA oo ay wasaaradu ka heshay hay’adda caalamiga ah ee AU-IBAR. Taasoo cidii soo xaraysatay araajidooda iyo passporkooda aanay kala saaraynin/kalareebayn ama kalaxulanaynin wasaaradu balse ay soo kalasaaraysay AU-IBAR iyo KENYA SCHOOL OF GOVERNMENT (KSG) waxaana soo xaraystay codsigoodii iyo CV goodii 4dhakhtar oo keliya oo loo dirat AU-IBAR afartiina waxay kazoo xulatay hay’addu 2ba dhakhtar oo keliya labadiibaanay si toos ah ugu soo direen warqadii casuumada DGgana og ayay soo siiyeen sidaas ayayna wasaaradu ula hawl gashay wixii dambe ee looga baahnaa kadibna u ambabixisay.

TABABARADA GUDAHA DALKA KA QABSOOMA EE WASAARADA IYO HAY’ADDAHA LASHAQEEYA QABTAAN WAA NOOCEE SIDAYSE AHAAN JIREEN.
Xiliyadii hore tababarka gudaha dalka sida hotelada waawayn iyo wasaaradaba tirade ay doonayaan ama looga baahan yahay seminarka ayay wasaarada usoo gudbin jireen intii markaa joogtana ama qofka qorayaa sida Agaasime waaxeedka caafimadka, Agaasime waaxeedka waxsoosaarka, Agaasime waaxeedka HRka ama Agaasime waaxeedka qorshayntu meesha ay khusayso iyo cidii kale ee xasuusto ama u timaada ama loobaahdo ayaa lagu qorijiray.

Hadase wuxuu DGgu qorsheeyey tababar kasta cida sida tooska uu u khuseeyo in marka hore lagu qore, marka xigta in cidii jilicsan ama aan guno qaadan ama aan meelkale ku sidkanayn/attachment in laga fuudh yeelo. Oo xitaa hadii cida uu khuseeyaa tababarkaasi ay kabadan tahay inta loo baahan yahay waa in badh laga tagaa oo shaqalaha bilaa gunada ah ama aan meelkale ku sidkanayn lagu daraa kuwaa soo hadhana wixii dambe lagu daraa.

FG: xitaa waxbarashada bilaashka ah ee wasaaradu bixiso ee ay ka hesho CSI da iyo SDFka xiligii hore si hoos ah iyo dad aan u qalmin oo jaaniska aan ka faaiidaysan ayaa loodiri jiray balse hada sitoos ah ayaa loosoo dhejiyaa oo loo iclaamiyaa intii soo xaraysatana waa loodiraa kadibna examka ayay ku kala hadhaan oo cidii soo baxda ayaa wasaarada deeqdaa waxbarasho u tagta.

Hadaba markay sidaa ahaan jirtay manta sidan ay tahay wasaaradu iyamuu jaaniska fursadaha shaqalaha wasaaradu fiican yahay oo horumarsan yahay?
Xilima ayay Eex iyo dib u dhac kujirtay wasaarada iyo shaqaalaheedu?
Halkay ka dhacday Eexda, Xigtaysiga iyo Qaraaba kiilka aad meelaha kaga xamanayso DGga ee aad dhakhtar sxbkaaya calafkiisa kuduudsiyayso, cadaawadna kaga dhex abuurayso madaxda wasaarada.

ARAAR:
ogow marnaba ka hadlimaayo anigu dhakhtarka ku dacwiyaaya mushaharkiisii laga jaray ama laga xanibay ee xuquuqdiisii ka hadlanaaya. ciduu doonaba haw aaneeyee ama haka cawdee marnaba madhaliilsani mana tilmaamaayo miskiinkaa mushahar la’aanta jooga. Walaw ay qurux badan tahay si asluub iyo xirfadnimo leh inuu u garnaqsado. Maamulkuna aanay kajarin mushahar ama guno dhakhtar shaqo kumaqan ama aqoon korodhsi doontay oo fasax qaatay.

Wabilaahi tawfiiq
Dr.SHAAG, A-lXaqsoor