Todoba Ruux Ku Naf Waayey Shil Ka Dhacay Jidka U Dhaxeeya Burco Iyo Degmada Sheekh Iyo Ilma Yar Oo Todoba Bilood Jira Oo Ka Badbaaday
Dadka Geeriyooday Waxaa ka mida Hooyo, Laba Hablood Oo Walaalo ah iyo Weriye Ka Tirsan SBC-Tv
Burco (Warsugan) Shil baabuur oo sababay dhimashada todoba ruux ayaa shalay galab ka dhacay jidka u dhaxeeya Burco iyo Sheekh, waxaana ka badbaaday ilma yar oo todoba bilood jiray.
Shilkan ayaa ka dhashay laba gaadhi oo isku dhacay oo kala ahaa Booyad iyo mid ka mida baabuurta yaryar ee loo yaqaano Raaxada (Vitz), gaadhi todobada ruux ku dhinteen ayaa ahaa baabuurka yar.
Todobada ruux ee shilka ku naf waayey waxaa ka mida laba hablood oo dhanka hooyo walaalo ka ah, waxaana ka badbaaday ilma yar oo todoba bilood jira, dumarka shilkaasi ku naf waayey waxaa ka mid ah hooyada ilmaha yar ee badbaaday.
Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo saxaafadda kula hadlay cisbitaalka guud ee magaaladda Burco ayaa yidhi”Shilka baabuurkaasi galay waxaa ku dhintay todoba qof, saddex hablood iyo afar inan, hablaha laba ayaa walaalo ah oo xaga hooyo walaalo ka ah, waxa ka badbaaday shilkaa Ilmo yar oo todoba bilood jira oo ay dhashay mid ka mida hablaha dhintay shilkana waanu baadhaynaa oo booliska ayaa gacanta ku haya sida ugu dhakhsa badan kolay waanu u soo gudbin doonaa”
Todobada marxuum ee shilka ku naf waayey waxaa kid ah Weriye Sharmaake Cismaan Axmed oo ka mid ahaa shaqaalaha SBC-Tv ee magaaladda Burco. Magacayda daka shirlkaasi gaadhi ku naf waayey ayaa kala ah:
- Raxma Saalax
- Kawsar Faysal Cabdi
- Ayaanle Dhuux
- Cabdishakuur Maxamed
- Kayse Ismaaciil Maxamed
- Sharmaake Cismaan Axmed (Oday)
- Aadan
Shilaka baabuur oo dad tiro badani ku naf waayeen ayaa ah kuwo inta badan ka dhacay jidadka u dhaxeeya magalooyinka waaweyn ee Somaliland, ciidamada booliska gaar ahaana kuwa nabad galyadda wadooyinku waxay sheegaan inay xal u helayaan. Ma jiraan qaraaro iyo go’aamo ka soo baxa booliska.
Madaxweynaha oo Shalay gaadhay Dalka Jabuuti iyadoo maanta la filaayo inay qabsoonto xaflada caleemo saarka madaxweyne Geelle, ka dibna ay dalka dib ugu soo noqdaan isla maanta
Jabuuti (Warsugan)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo Dalka jabuuti ugu kicitimay ka qaybgalka Xaflada Caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii Afraad oo Xidhiidha loo doortay hogaaminta Dalkaas, ayaa intii aanu ka dhoofin Somaliland waxa uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamada Qaranka Somaliland, oo ku sugnaa Qasriga Madaxtooyada Somaliland, ka dib wax ka bedel lagu sameeyey nidaamkii hore ee dhabaha diyaarahada Cigaal International oo madaxweynuhu hirgeliyey safarkiisi u horeeyey walow uu hore sidan oo kale salaan sharaf ugaga qaatay ciidamada hadana intii awaamiirtu ka soo baxday wasaaradda Duulista waa markii ugu horaysay ee madaxweynuhu dalka ka ambabaxo.
Madaxweynuhu markii uu gaadhay madaarka waxa halkaasi ku sugaayey oo madaxweynaha ay isku diyaarad raaceen masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka u metelaayey martiqaadka loo fidiyey Madaxda iyo Asxaabta xisbiyada qaranka ee Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Gudoomiyaha ahna Musharaxa Xisbi Xaakimka Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Eng Faysal Cali waraabe gudoomiyaha Xisbiga UCID, Ex Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Carraale Duur iyo Xoghayaha Xisbiga Waddani Mudane Maxamed Cabdillaahi Urcade.
halka weftiga Xukuumadana ay kala ahaayeen Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta, wasiirka Dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska, Marwada Koowaad ee Qaranka, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.
Markii weftigu ay gaadheen dalka jabuuti waxa si balaadhan uga hortegay oo soo dhaweeyey masuuliyiinka socday dalka jabuuti, safiirka Somaliland ee fadhigiisu yahay jabuuti, iyo dad isugu jira masuuliyiin iyo shacbi kala duwan, waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa loo gelbiyey halkii loogu talogalay weftiga in la dejiyo.
iyadoo ay dalka jabuuti iska soo daba dhacayaan madaxweyne yaal kala duwan ayaa la filayaa in maanta ay dhacdo munaasibada caleema saarka madaxweynuhu ka dibna waxa weftiga Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo la filayaa inay u soo duulaan dhanka Somaliland maanta, iyadoo qorshuna yahay inuu madaxweynuhu uga sii gudbo dhinaca imaaraadka carabta oo la filaayo in safar maalmo qaata uu madaxweynuhu u tago
“Waxaad Culayska Nagu Saarayseen Goobuhu Way Nagu Yaryihiin Oo Dadkaygii Ayaa Ka Badan Maatana Markaanu Goobihii Marnay Dadba Ma Joogaan Oo Qaar Ayaanu Is Leenahay Ma Xidhaan”
Guddiga Doorashooyinka iyo Xisbiyada Oo Ka Hadlay Diiwaangelinta Shacabka Hargeysa Farrimana U Diray
Hargeysa (Warsugan) Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Mudane Cabdiqaadir Iimaan oo warbaahinta kula hadlayey xarunta guddiga ayaa ka haldy qaabka ay diiwaangelintu u socoto, fariina u diray dadweynaha reer Hargeysa waxana uu yidhi “si wanaagsan ayey inoogu bilaabmatay farsamo ahaana way u soo dhamaatay todobadiid maalmood ee ahaa qaybtii hore oo ahaa wixii Hargeysa ka baxsan. Hargeysa markaanu nimi waxaad moodaysay todobadan cisho ee haday ay ka socotay inaanay sidaanu jeclayn aanu socodku ahayn waxaad culayska nagu saarayseen goobuhu way nagu yaryihiin oo dadkaygii ayaa ka badan maatana markaanu goobihii marnay goobihii dadba ma joogaan oo qaar ayaanu is leenahay soo xidhaba markaa waa kaaf iyo kala dheeri”
Gudoomiye Iimaan ayaa intaas ku daray “Waxa aanu idinku boorinaynaan todobadaa cisho ee idiin hadhay ka faa’idaysta wixii wada jir aynu u qabanaynana komishan ahaan diyaar ayaanu u nahay”
Sido kale waxa iyana warbaahinta la hadashay Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi Madar oo ka tirsan guddiga doorashooyinka iyada oo xustay in goobaha loo kala badin doono qaabka hada looga la iskaga diiwaangeliyo waxanay tidhi “Sanaaduuqda la dhigi doono goobaha degmooyinka Hargeysi ay ka kooban tahay waxay ku xidhan tahay qaabka imika dadku isku diiwaangeliyaan degmo waliba tirada hada ka soo baxda ayey hadhaw ku yeelan doontaa sanaaduuqda codaynta yaan la cabanin hadhow oo aan la odhan degmo hableeyo ayaa loo badiyey sanaaduuqdii codaynta” Komishineer kaltuun oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi “Hargeysa waxaanu u sheegaynaa inay diiwaangelinta boqolkiiba boqol ka qayb qaataan”
Masuuliyiinta saddexda xisbi oo iyana goob joog ka ahaa shirka jaraa’id ee ay qabteen guddiga doorashooyinku ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Hargeysa inay door lixaadle ka qaataan is-diiwaangelinta, iyaga oo ugu baaqay inay guryaha ka soo baxaan.
Golaha Wakiillada Oo Laalay Xeerka Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Sababaha Ay U Cuskadeen Diidmadiisa
Hargeysa(Warsugan) Golaha wakiillada Somaliland oo maalmihii u dambeeyay dood ka lahaa xeerka guddida qandaraasyada qaranka ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku diiday xeerkaasi, kadib markii ay arkeen in xeerkaasi ay ka maqan tahay madaxbannaanida guddidaasi. Kulanka shalay ee golaha waxaa guddoominayay guddoomiye xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, waxaana ka soo xaadiray 45 mudane. Xeerka oo cod loo qaaday waxa diiday 33 mudane, waxaa ogolaaday 7 mudane, halka 4 mudane ka aamustay.
Guddoomiye xigeenka golaha wakiillada oo ku dhawaaqay natiijada codaynta mudaneyaasha ayaa sheegay in xeerkaasi sidaasi ku jabay ama ku laalmay kadib markii uu waayay kalsoonida mudaneyaasha “Guddi aan madax bannaanayn oo qayb ahaan madaxbannaan ama madaxbannaani u eeg ayaa xeerka ku qornayd. Ta labaad awoodo ayay lahayd guddidu, taas oo ah in wax alla wixii hanta qaranku iibinayo iyaga loo wakiisho, waxay meesha ku soo qoreen in wasaaradduhu u madaxbannaan yihiin iibinta iyo soo iibsashada wax kasta. Waxaa saddexaad, guddida madaxweynahaa magacaabi jiray, waxa imika lagu soo qoray wasaaradda maaliyaddaa magacaabaysa,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ahaa mudaneyaasha diiday xeerkan.
Xildhibaan Siciid wuxuu intaasi raaciyay in guddida qandaraasyada qaranka laga dhigay hay’ad yar oo hoos timaadda wasaaradda maaliyadda, islamarkaana la dhilay awoodaheeda, sidoo kalena wasiir walba rabo inuu awood u helo hantida qaranka iyo ku tagri falkeeda “Dawladnimadii ayuu xeerkani meel kaga dhacayaa, hantidii qaranka ayaa la fadhataysanayaa, awalba iyadoo waxba ka noolayn, ayaa la doonayaa in wasiir walba iyo wasaaradduhu u madax bannaanadaan baaqigii, taas ayaanu diidnay,” ayuu yidhi xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA Oo Ka Hadlay Sababaha Diwaangalintu U Noqotay Mid Habacsan Oo Dadku Ka Cago Jiido
SOLJA waxa uu dadweynaha Reer Somaliland ugu baaqayaa inay si mug leh uga qayb qaataan Diiwaangalinta
Hargeysa(Warsugan) Doorka ay Komishanka, Axsaabta, Xukuumadda iyo Dadweynuhu ku leeyihiin Habacsanaanta Diiwaanglinta iyo Baaqa SOLJA. Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu dadweynaha Reer Somaliland ugu baaqayaa inay si mug leh uga qayb qaataan Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha si ay usoo doortaan cidii hogaamin lahayd, maadaama Doorashooyinka soo socdaa ay yihiin fursado kale oo ay u haystaan inay ku soo xushaan hogaamiyayaashii maamuli lahaa.
Diiwaangalinta Cod-bixiyayaashu waa xuquuq ay muwaadiniinta reer Somaliland iska leeyihiin isla markaana Dastuurka Dalka iyo Xeerarka Doorashooyinku xaq u siiyeen inay ku soo dooran karaan hogaanka ay isleeyihiin wuxuu idin gaadhsiin karaa horumar ka baaxad weyn ka imika xilka haya, arrintaas oo ay go’aan ay iska leeyihiin inay ku keenaan kolba ashkhaasta ay u arkaan inay leeyihiin Aqoon, waayo aragnimo iyo karti wax ka tarta baahiyahooda.
Ururka SOLJA waxa uu isha ku hayaa hanaanka ay usocdaan nidaamka Diiwaangalinta iyo Doorashooyinku iyagoo door muhiim ah ku leh wax ka qabashada kolba halka ay ku jirto danta Codbixiyayaasha iyo Danta Qaranka Somaliland, maadaama ay yihiin Hawlo Qaran oo in hareeraha laga istaago ay tahay masuuliyad wada saaran shacbiweynaha Somaliland.
SOLJA iyadoo ka duulaysa masuuliyadda saaran waxay hore ugu bandhigtay Komishanka Doorashooyinka Talooyin ku saabsan caqabada ka hor timid Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha, taasoo ay masuuliyadda Koowaad ay iyaga saarnayd inay wax ka qabtaan hase yeeshee iyaga oo aan Tixgalin warbixinihii hore u yaalay xafiiska iyo talooyinkii la siiyey ayey qaadeen wadadii hore ugu keenay caqabadaha Diiwaangalimihii fashilmay iyo Doorashooyinkii khataraha badnaa ee dirqiga lagaga badbaaday, kuwaas oo ay sabab u ahaayeen Wacyigalin la’aanta Bulshada kala soo darista Hanaanka Doorashooyinka.
SOLJA oo qayb ka ah Ururada Bulshada Rayidka ah isla markaana xog Ururin rasmi ah ku samaysa hanaanka Doorashooyinka iyo Diiwaangalinta waxay u aragtaa caqabada ka hor timid Diiwaangalinta inay tahay Komishanka oo Saxaafadda baal maray isla markaana aan bulshada gaadhsiin Farriimo Manfac leh, isla markaana aan diyaarin Agab ku filan oo la mariyey Dariiq sax ah.
Sidaasi daraadeed, Ururka SOLJA waxa uu soo koobayaa sababaha uu u arko inay keentay dhibta ka taagan inay Dadweynuhu is-diiwaangalin waayaan:-
- Komishanka Doorashooyinka oo aan gacanta ku haynin dhaqaalaha lagu maamulo Diiwaangalinta, isla markaana toosin kari waayey hay’adaha ka caawiyey Wacyigalinta sida IOM iyo komyuunakis.
- Komishanka oo bilowgii Diiwaanglinta si wagash wagash ah uga bilaabay Gobolka Togdheer isla markaana qaaday talaabooyin aan bislayn.
- Komishanka Doorashooyinka iyo Ururada Wacyigalinta la siiyey oo aan isticmaalin Culimada, Madax dhaqameedka, Xildhibaandda, Saxaafadda iyo dadka saamaynta ku leh bulshada dhexdeeda isla markaana Farriimaha warbaahinta la mariyey illaa bilowgii illaa maanta ay yihiin Hal Farriin ah oo aan dib loo eegin ama aan la cusboonaysiin.
- Natiijo ka soo saarid la’aanta Goboladdii ay Diiwangalintu ka dhacday, taasoo abuuri lahayd tartan goboladda dhexdooda ah sida Burco iyo Borama.
- Adeegsigii uu Komishanka Doorashooyinku u isticmaaleen xisbiyada xafladihii lagu daah-furayey Diiwaangalinta Goboladda oo isku bedeshay Olole sharci darro ah isla markaana Markii danbe Komishamku joojiyeen.
- Komishanka Doorashooyinka oo aan illaa hada ka hadal ama caadaystay-ba inaanay bulshada u soo bandhigin caqabadaha ka hor yimid Diwaangalinta ama aan keenin Dariiq wax ka taraya inay diiwangalintu si ka xoog badan uga qabsoonto goboladda hadhay.
- Komishanka Doorashooyinka oo nidaamka ay Diiwaangalintan u dhigeen la mid tahay tii Madaniga ahayd ee istaagtay ee ay xukuumaddu maamulaysay, iyada oo aanay bulshadu wada qaadan, taasoo caqabadihii ay dhigtay saamayn ku yeelatay tan Doorashooyinka, maadaama nidaam ahaan, Qalab ahaan iyo kaadhadh bixinta oo labadaba dib loo dhigay niyad jab ku keentay dadweynihii is-diiwaangaliyey, isla markaana Komishanku iyagoon samayn daraasad ka duwan taa hore kala mid dhigay.
- Baabuurta Wacyigalinta sameeya ee ay adeegsadaan dadka wacyigalinta wada oo aan dadka waxba u sheegin isla markaana saara Heeso aan khusayn Diiwaangalinta, Iyadoo aanay dhalinyarada iyo Haweenka oo ah dadka ugu badan Coddeeyayaasha aan loo samayn wacyigalin u gaar ah.
Caqabadaha Xukuumadda:-
- Xukuumadda oo aan Wacyigalinta door muhiim ah ka qaadan marka laga reebo taageerada guud ee ay siiso Komishanka, sida dhaqaalaha iyo sugida Amniga guud.
- Warbaahinta Dawladdu maamusho iyo shaqaalaha Dawladda oo aan si heer Qaran ah u galin Wacyigalinta.
- Masuuliyiinta Xukuumadda oo aan dadweynaha u qaban adeegyadii ay u baahnaayeen gaar ahaan Dhalinyarada iyo Haweenka, taasoo niyad jab ku riday bulshada qaarkeed.
Axsaabta Siyaasadda:-
- Khilaafka Xisbiyadda dhexdooda ka jira iyo qaabka ay usoo doortaan hogaamiyayaasha oo dadweynaha rajo-xumo ku abuurtay.
- Xidhiidhka Madaxda Axsaabta iyo bulshada oo hoosaysa isla markaana la arko auun marka Diiwaangalin ama Doorasho jirto.
- Xisbiyada oo aan la xisaabtamin xukuumadda gaar ahaan xisbul xaakimka oo aan uba arag in uu doorkaa leeyahay, iyo Mucaaradka oo aan dabagal iyo xog ururin dhab ah ka samayn qaladaadka xukuumadda.
- Axsaabta oo Dadweynaha duudsisa xuquuqdooda, isla markaana uga faa’iidaysata qaab qabyaaladeed ama gobolaysi.
Dadweynaha:-
- Dadweynaha oo aan fahamsanayn xuquuqda Dastuuriga ah ee ay u leeyihiin Hanaanka Doorashooyinka, isla markaana qaab aan haboonayn ugu codeeya siyaasiyiinta.
- Dadweynaha oo cuqdad ka qaaday balamihii ay Axsaabtu kaga baxeen, isla markaana aan meel fog ka eegayn sidii ay ku keeni lahaayeen hogaanka ay doonayaan.
- Dadweynaha oo aan dhexdooda is hoga tusaalayn ama u nuglaada kooxaha ku xidhan Axsaabta iyo Xukuumadda si ka baxsan inta sharcigu ogolyahay.
Talo-soo-jeedin:-
Ururka SOLJA waxa talo ku soo jeedin lahaa:-
- In Komishanku wax ka bedelaan hanaanka ay wacyigalinta u wadaan, bulshadana la socodsiiyaan macluumaadka Doorashooyinka, isla markaana ay casharo ka bartaan caqabadaha ka hor yimi ama ka hor iman doona.
- Axsaabtu inay wax ka bedesho nidaamka dhexdooda, hogaan wanaagsan usoo xulaan Dalka, isla markaana ixtiraamaan doonista Dadweynaha.
- Dadweynuhu inay Is-diiwaangaliyaan isla markaana ay soo doortaan dadka wanaagsan.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA
Mujaahid Xasan Ciise Iyo Guddida Afgarad Oo Bulshada Ku Boorriyay Diiwaangalinta
Hargeysa(Warsugan) Madaxweyne xigeenkii u horreeyay ee Somaliland mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ay weheliyaan guddida horumarinta deggaannada Koonfurta Hargeysa iyo Hawd ee magacoodu yahay Afgarad ayaa bulshada ugu baaqay inay si diwaangaliyaan si ay qayb uga qaataan doorashada loo asteeyay horraanka 2017-ka. Waxay sheegeen in loo baahan yahay in la dardar galiyo diwaangalinta oo laga dareemayo habacsanaan kadib markii bulshada reer Hargeysa ka cago jiiday.
Maxamed Cali Madoobe oo ka tirsan guddida Afgarad iyo Khadar Aadan Diiriye oo ka mid ah qurbejooga deggaanka ayaa bulshada ugu baaqay inay is diwaangaliyaan. Waxay sheegeen inay qaybtooda ka qaadanayaan dardar galinta iyo ku baraarujinta bulshada ee diwaangalinta socota “Waxaa dhacday in xoggaa cago jiid ahi ka muuqdo diwaangalinta oo cid walba wax ku sababaynayso, markaa anigoo ku hadlaya afka guddida Afgarad arrintaas waanu ka hawl galnay, waxaanu leenahay si muqleh ha looga qayb qaato diwaangalinta, waxaa ku jira masiirkeenii iyo qarannimadeenii,” ayuu yidhi Maxamed Cali Madoobe.
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa isna bulshada ku boorriyay inay ahmiyad siiyaan diwaangalinta “Arrinta diwaangalintu arrin aan muhiimadeeda la koobi karayn weeye. Waa kaalinta ay dadweynuhu ku leeyihiin siyaasadda, kaalintoodu waxa weeye marka waddanku dimuqraadi yahay ee doorasho timaado inay ka qayb galaan. Markaa haddaanay is diwaangalin waxaan u suurtoobayn inay doorashada ka qayb galaan, markaa xaqii aan waddanka ku lahaa gabigiisaba waan daadifeeyay oo waan iska daayay weeye. Waxay ka dhigan tahay inaanad waddanka joogin oo kale, waxay ka dhigan tahay inaad ajanabi tahay oo aanad waddani ahayn oo kale,” ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.
Mujaahid Xasan Ciise wuxuu sheegay in ujeedadii ay halganka SNM u soo galeen ahayd in la helo waddan la wada leeyahay oo dimuquraadi ah, haddii dadku is diwaangalin waayaana macnaheedu tahay in khasaare laga joogo wixii loo halgamay “Waxaanu ku guubaabinaynaa dadweynaha, reer Maroodijeex oo kaliya maahee, reer Somaliland oo dhan inay is diwaangaliyaan si ay xaqooda dimuqraadiyadda ka saaran u gutaan,” ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in diwaangalinta oo fure u ah doorashadu tahay masiirkii umadda iyo halkii bulshada go’aankeeda laga goynayay, sidaasi darteedna loo baahan yahay in la is diwaangaliyo si doorashada cidda bulshada u talinaysa loogu doorto. Waxa uu sheegay in nidaamka doorashada oo cusub aanay dad badani fahamsanayn, maadaama wakhtigii dheeraa ee gumaysiga Ingiriiska iyo xilligii Siyaad Barre aanay jirin nidaam dimuqraadi ah oo la is doorto.
Diwaangalinta oo hore uga qabsoontay gobollada Togdheer, Awdal iyo Saaxil oo ay weheliyaan Gabiley iyo Hawd ayaa todobaadkii hore ka bilaamatay gobolka Maroodijeex, hase ahaatee bulshada ayaa u muuqda kuwo aan muraad ka lahayn. Guddida doorashada ayaa jimcihii sheegay inay khamiistii xisbiyada qaranka u yeedheen kuna boorriyeen in dadweynaha la xamaasad galiyo lagalana taliyo inay is diwaangaliyaan. Illaa hadda ma jirto cid og sababta dhabta ah ee bulshadu uga indho qarsatay diwaangalinta, hase ahaatee waxaa la rumaysan yahay in bulshadu ka niyad jabtay doorashada siyaasiyiinta oo wax qabadkooda ay saluugsan yihiin.
Siyaasi Ku Baaqay In Dastuurka La Furo
Hargeysa(Warsugan) Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye ayaa soo jeediyay in la furo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay musharax madaxweynenimo u tartama oo ka madaxbannaan saddexda xisbi ee jira, sidaasi darteedna ay habboon tahay in dastuurka la furo si uu u ogolaado cid si gaar ah u tartanta.
Siyaasigan madaxabannaan oo saxaafadda kula hadlayay shalay magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in bulshadu niyad jab ka joogto musharaxiinta xisbiyada jira “Waxa weeye in la furo Dastuurka Somaliland, si loo helo musharax madaxbannaan oo u tartama jagada madaxweynaha. Runtii waa wakhti ku habboon in dastuurka la furo si loo helo musharax madaxbannaan,” ayuu yidhi Siyaasigu.
Waxa uu soo jeedintiisa ku sababeeyay xisbiyada oo uu ku dooday in bulshadu ka niyad jabtay “Asxaabta qaranka ee meesha maanta joogta runtii dadku aad bay uga niyad jabsan yihiin. Dadkeena mooraal jab weyn baa haya, bal eeg diwaangalintii codbixiyeyaasha, wuxuu qof walba ku odhanayaa yaan doortaa? Kuwii hore waan arkay, kuwa maanta taaggana waan arkaa oo waa kuwii hore noo soo hor taagnaaye,” ayuu yidhi Siyaasi Cabdiqaadir.
Hadalka siyaasigan ayaa imanaya xilli bulshada Reer Hargeysa ka muquurteen diwaangalinta codbixinta oo muddo todobaad ka badan socotay, islamarkaana sababaha loo aanaynayo in bulshadu ka niyad jabtay siyaasiyiin loo dareero doorashadooda oo wax qabad la’aan bulshadu kala kulanto.
Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ka Talo Bixiyay Tahriibta Dhalinyarada Somaliland
Hargeysa(Warsugan) Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen(Cabdiwaraabe) ayaa talooyin u soo jeediyay dhalinyarada Somaliland ee sida ba’an ugu qulqulaysa waddamada Yurub, una badheedhaysa khatarta badaha iyo dhibaatada ka sokaysa. Waxa uu boggaadiyay ciidamada booliska oo soo qabqabtay qaar ka mid ah dadka tahriibta fududeeya ee magafeyaasha loo yaqaan.
“Boolisku si aada ayuu u shaqaynayaa, halka ay ka abbaareen ee ragga badan ku soo qabqabteen waa halka laga abbaari karayo. Magafeyaashu Ceerigaabo xafiis bay ku leeyihiin, Burco xafiis bay ku leeyihiin, Hargeysa xafiis bay ku leeyihiin, markaa waxaan ku tallinayaa raggaa dhalinyarada durbaannada u tumaya ee baabuur la kireeyay ka dhigaya, ha la abaaro raggaas, magaalo walba xafiis bay ku leeyihiine,” ayuu yidhi oday Cabdikarriin.
Waxa uu intaasi raaciyay in waalidiinta iyo ubadkoodii isla ildaran yihiin, islamarkaana dhalinyarada tahriib laga hor joogo, sidaasi darteedna loo baahan yahay in bulshadu booliska ku wargaliso nimanka carruurta dhoofinaya. Waxa uu sidoo kale guurtida u soo jeediyay in guddi wacyi galin ah oo khatarta tahriibta kala hadasha bulshada loo kala diro deggaannada dalka.
Waxa kale oo uu talo u jeediyay dhalinyarada “Dhalinyarada waxaan leeyahay waar naftiina aad halaagaysaan ka daaya, waxaad tihiin raggii dawladda qabsan lahaa, meel inaga wanaagsan ma jirto maanta oo laguma dhex gaajoonayo dalkeena. Waa hooya naftiina ha halaagina, wax dhigta, jooga, cid ku qadaysa Somaliland maanta ma jirto, adeer ka jooga oo naftiina badda ha ku hallaagina,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiwaraabe.
Duqa Magaaladda London Oo Loo Doortay Nin Muslim Ah Oo Ka Soo Jeeda Pakistan
Sadiq Khan oo ka tirsan xubnaha Xisbiga Shaqaalaha, ayaa loo doortay Duqa magaalada London ee Caasimadda Britain, Wuxuuna jagadaas uu hayn doonaan muddo afar sannadoo ah. Tallaabadan ayaa soo af-jartay muddo Siddeed sano oo jagadaan uu soo hayay mas’uul ka tirsan xisbiga Muxaafidka ah ee dalka Britain.
Sidoo kale, Khan kama aanu mid ahayn Musharraxiinta la hadal hayay ee la saadaalinayay inay jagadan ku guuleysan doonaan. Isagoo noqonaya mas’uulkii u horreeyay oo Muslim ah oo jagadaas qabta. Duqa cusub ee Magaalada London ayay da’diisu tahay 45-jir ah, isagoo soo jeeda dalka Pakistan, kana mid ahaa qoys ka kooban sideed carruur ah, Hooyo iyo Aabbe. Sidoo kale, Aabbihii wuxuu ahaa darawal Bas, hooyadiina waxay ka shaqeyn jirtay Harqaanka dharka lagu tolo.
Khan ayaa wuxuu inta badan ku dadaali jiray sidii uu heer uga gaari lahaa nolosha. Waa garyaqaan ka baxay kuliyadda sharciga ee Jaamacadda North London. Wuxuu leeyahay xaas iyo laba gabdhood. Duqa Magaalada London ayaa leh awoodo siyaasadeed oo ballaaran, iyadoo Dadka qaar ay shakiyo ka qabaan in Mr Sadiq Khan uu howshaas kasoo bixi karo. Laakiin wuxuu ku adkeysanayaa inuu metelayo dhammaan shacabka London, uuna wax ka qaban doono sinnaan la’aanta.