Akhri Wararka Wargeyska Warsugan uu Maanta u soo gudbiyey Akhristayaashiisa ku dhaqan daafaha dunida

0
593

Xukumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Sababta Loo Mamnuucay Kulamada Ka Dhanka Ah Heshiisyada Somaliland La Gashay Dawladda imaaraadka

“Imaaraadku Waa Dal Aynu Saaxiibo Nahay, Waad Ogtihiin Safaaraddooda Way Ka Qaateen Muqdisho, Farmaajo Ilaa Halka Uu Cararay Ee Sucuudiga Uu Yidhi.. “ Wasiirru-Dawlaha Amniga

Hargeysa(Warsugan) Xukumadda Somaliland ayaa qoraal rasmi ah ku hor istaagtay in huteelada dalka lagu qabto shirar lagu diidan yahay Heshiiska Saldhiga Militari ee Somaliland la gashay dalka Imaaraadka. Wareegtada xukumaddu soo saartay ayaa ku soo beegantay kulan balaadhan oo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ku soo bandhigi lahaa dhalliilo uu kaga soo horjeedo aasaaska Saldhiga Militari oo ay sheegeen in khubaro aqoon u leh arrimaha militarigu soo diyaarisay.

Wasiirru-dawlaha amniga wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin kulammo lagu kicinayo dadweynaha, waxaanu ammaanay heshiiska Imaaraadka “Mushkilada ina haysata waxa weeye wixii dalka u dan ah iyo wixii u daran baynaan kala garanayn, waxaynu kaga faa’iidaysanayna xaalado yaryar oo ku meel-gaadh ah ama siyaasadeed. Dalkeenu wuxuu u baahan yahay maalgelin, wuxuu u baahan yahay in umaddu ku soo xidhanto oo ku soo hirato,” ayuu yidhi wasiirru-dawluhu.

Mudane Maxamed Muuse Diiriye Horn Cable u warramay ayaa xisbiga Waddani ku xidhiidhiyay dawladda Xamar ee diidan heshiiska Saldhiga Militari “Ucid waxba ka sheegi maayo laakiin, xisbiga Waddani waxaad mooda in uu la xulufoobay cadowgeena, halkay ka taagan yihiin(Somalia) ayuu ka taagan yahay Qarankan, sababtoo ah kama fiirsanayo hawsha socota iyo waxa la qabanayo ee in uu dhiciseeyo ayuu doonaya,” ayuu yidhi Mudane Diiriye.

Waxa uu intaasi raaciyay sababta loo qoray warqad uu ku saxeexan yahay oo Hotellada lagaga mamnuucay in ay marti geliyaan shirar ka dhan ah Mashaariicda ama heshiisyada jira “Haddaanu wasaarad ahaan amnigii Qaranka masuulka nahay anagaa qornay warqadda, waxaanu u qornay hudheellada, waxaanu nidhi ‘ninkii doonaya in uu wax qabsado meel buu leeyahaye ha ku qabsado’ laakiin, in uu ku soo ururiyo umadda hudheellada hoolalkooda waaweyn oo dabeedna wax ku sii daayo oo dhan-gaagaalihii iyo dadka caadifada la galinayo wuxuu doonaba ku yidhaahdo, markaa waxaanu ku nidhi adeerayaal ku qabsada xarumihiina,” ayuu yidhi wasiirru-dawluhu.

Wasiirru-dawlaha ayaa sababta ugu weyn ee xisbiga Waddani loogu diiday shirkooda ay tahay xilli xasaasi ah oo la marayo maaddaama dekedda Berbera lagu wareejiyay shirkadda DP World, Saldhiga Militari ee goleyaasha Baarlamaanku ansixiyeena ay diidan tahay Somalia “Imaaraadku waa dal aynu saaxiibo nahay, waad ogtihiin safaaraddooda way ka qaateen Muqdisho(Muranka saldhiga dartii), Farmaajo ilaa halka uu cararay ee Sucuudiga uu yidhi naga qabta Imaaraadka waad ogtihiin, markaa miyuu(Waddani) inala shaqaynaya oo dimuqraadiyaddii baa laga shaqaynaya mise dalkaa la duminaya?,” ayuu yidhi wasiirru-dawluhu.

Wasiirru-dawlaha ayaa ka jawaabay eedo xisbiga Waddani soo jeediyay oo ku saabsan in heshiiska Militari uu saxeexay madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaanu yidhi “Xujo xujo ka hor gee baa la yidhaa oo Xasan Sheekh baa saxeexay ayay leeyihiin, Xasan Sheekh dee inaga inamuu taageerayn oo inagumuu caawinayn in aynu ka go’no mawqifka Farmaajo inaga taagan yahay ayuu inaga taagna, markaa tallaabo wax inoo soo kordhinaysa qaadi maayo, taa Farmaajo wado ayuun buu isna taagna, markaa Xasan Sheekh midh muu saxeexin ee inaga Imaaraadka la gorgortanay inagaana la saxeexanay,” ayuu yidhi mudane Maxamed Muuse Diiriye.

Wasiirru-dawlaha ayaa la waydiiyay in xukumaddu cid kasta oo ka soo horjeedsata Saldhiga Militari ku eedaynayso Soomaaliweyn waxaanu sheegay in dadka Waddani taageera ay u aqoonsan yihiin kuwa ka soo horjeeda Saldhiga Berbera “Waddani waa xisbi mucaarad ah Awdal ilaa Badhan buu ka jira, Waddani ayay la mawqif yihiin kuwa diidan, markaa waa dadkii Waddani ayaan u arkaa kuwa diidani,” ayuu yidhi wasiirru-dawluhu..

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Oo Ka Hadlay Caqabado Haysata iyo Qorsheyaal Ay Ku Horumarinayaan Bangiga

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland mudane Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale) ayaa sheegay in caqabado dhawr ah uu wajahayo Bangiga Dhexe, kuwaasi oo ay ka mid yihiin maaliyad ku filan oo aanu haysan, guddida maamulka sare oo kala dhiman iyo shuruucdiisa oo aan dhammaystirnayn.

Masuulkan cusub oo shalay Golaha Wakiilladu ansixiyeen ayaa sheegay in citiraaf la’aanta dalku qayb ka tahay caqabadaha Bangigu wajahayo “Bangigu intiisa badan wuu dhammaystiran yahay waxa ka dhiman citiraafka Somaliland ka dhiman iyo xidhiidhka caalamiga ah. Waxa uu u baahan yahay in uu helo Raasamaal uu iska leeyahay Bangigu oo uu ku hawl galo, in Rasamaal balaadhan uu helo waa qodobka koobaad ee in laga taageero ay tahay ana aan ka hawl galayo,” ayuu yidhi Mudane Dhoobaale.

Guddoomiyaha ayaa intaas raaciyay in guddida sare ee maamuli lahayn bangigu kala dhiman tahay, islamarkaana ay xukumadda isla garteen in degdeg loo dhiso “Haddii boodhka(Guddida sare) la dhiso wax badan baa qabsoomaya oo baanka gudihiisa ah sababtoo ah fulinta oo kaliya kuma filna ee wuxuu u baahan yahay musdambeed xoog leh, sidaas awgeed bangigu in uu helo boodhkiisa weeye,” ayuu yidhi guddoomiyaha oo intaasi raaciyay in hawlwadeenada iyo khubarada Bangigu ku jiraan aqoon korodhsi lagu dejinayo qorsheyaasha dhaw iyo kuwa dheer ee baanku ku shaqayn doono.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay doonayaan sidii bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ka jira u isticmaali lahaayeen lacagta shillin Somaliland-ta, islamarkaana u yeelan lahaayeen wada shaqayn, waxaanu golaha ka codsaday in ay meel mariyaan xeerarka bangiyada, Xawaaladdaha, iyo shuruucda bangiga ka dhiman ee golaha horyaalla.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn sheegay in ay bangiyo caalami ah kula jiraan wada hadallo ku saabsan sidii ay dalka u iman lahaayeen, haddana Bangiga Saba la rajaynayo in uu dalka yimaaddo kaasi oo meelo badan laamo ku leh siiba Jabuuti.

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo Kulan la Yeeshay Safiiradda Maraykanka iyo Midowga Yurub ee Nairobi

Nairobi(Warsugan)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku tagay dalka Kenya maanta, ayaa kulankoodii u horreeyey ee safarkan la yeeshay safiirrada dawladda Maraykanka iyo Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.

Kulan weftiga Guddoomiyaha KULMIYE iyo Safiirka Marayknaka Mr. Stephen Michael Schwartz iyo Safiirka Midowga Yurub Mrs. Veronique Lorenzo ku dhexmaray magaalada Nairobi xalay, waxay ku yeesheen wadahadal dheer oo lagu lafaguray arrimo kala duwan oo ay ugu waawayn yihiin; abaarta ka jirta Somaliland, doorashooyinka iyo dib-u-dhaca ku yimi, xaaladda guud ee nabadgalyo iyo siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Guddoomiye Muuse Biixi iyo masuuliyiinta wehelinaya oo kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Khayraadka Biyaha Md. Xuseen Cabdi Boos waxay u faahfaahin dheer ka siiyeen safiirrada Maraykanka iyo Midowga Yurub guud ahaan xaaladda Somaliland ee xilligan, gaar ahaan abaarta adag ee ka jirta waddanka oo sababtay in ay halis ku jiraan dad gaadhaya laba milyan oo ay saamaysay abaartu, kadib markii xoolihii ka dhammaadeen, isla markaana shacabka iyo dawladda Somaliland wixii itaalkooda ah ay gurmad taakulo lagu gaadhsiiyo dadka jilicsan wadaan muddo lix bilood ah, balse beesha caalamka iyo dalalka qaadhaan-bixiyayaashu ay ka gaabiyeen waxtar ay ka gaystaan gurmadka xaaladda xun ee abaarta Somaliland, sidaasi darteedna looga baahan yahay inay si degdeg ah gacan uga gaystaan abaarta.

Waxa kaloo masuuliyiinta Somaliland uga warrameen dublamaasiyiinta Maraykanka iyo Midowga Yurub doorashooyinka Somaliland iyo dib-u-dhaca ku yimi xilligii la qaban lahaa oo ay si ballaadhan ugu sharraxeen sababta keentay ee ah duruufta abaarta ka taagan Gobollada Somaliland, waxaanna Guddoomiyaha KULMIYE ka codsaday qaadhaan-bixiyayaasha caawiya Somaliland ee ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Midowga Yurub inay sii wadaan taageerada doorashooyinka iyo horumarka Somaliland ee midho-dhalka fiican ay ka gaadhay, loogana baahan yahay inay bixiyaan kharashka kaga beegan doorashooyinka soo socda oo reer Somaliland ay ka go’antahay inay ku qabsoomaan xilliyada loo cayimay ee ay ugu soo horreyso doorashada Madaxtooyada oo hadda u qorshaysan inay dhacdo bisha November ee sannadkan 2017.

Sidoo kale, labada dhinac waxay ka wadahadleen xaaladda guud ee nabadgalyo iyo siyaasaddeed ee uu marayo Gobolka Geeska Afrika iyo sidii looga wadashaqayn lahaa arrimaha ka taagan si loogu wada noolaado xasillooni iyo horumar.

Dhankooda safiirrada Maraykanka iyo Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya – Stephen Michael Schwartz iyo Veronique Lorenzo waxay soo dhaweeyeen qodobada ay kala hadleen weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxaanay rajo ka muujiyeen inay kaalintooda ka qaadanayaan arrimaha Somaliland ee waxtarkooda laga codsaday, iyadoo haweenayda Safiirka Midowga Yurub ballanqaaday inay dhawaan socdaal ku iman doonto Somaliland si ay u aragto baaxadda xaaladda abaarta taagan.

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE waxa kaloo u qorshaysan inay kulamo kale kula yeeshaan magaalada Nairobi dublamaasiyiin, hay’ado caalami ah iyo kuwo Qaramada Midoobay oo ay kala hadlaan arrimaha Somaliland.

 

Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Uu Dacwad ku Oogayo Hotelka Maansoor

Hargeysa(Warsugan) Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa iclaamiyay in ay dacwad ku oogi doonaan hudheelka ganacsi ee Maansoor kadib markii la joojiyay munaasibad xisbigu shalay ku qabsan lahaa. Hotelka Maansoor ee Hargeysa ayaa u hoggaansamay warqad rasmi ah oo wasaaradda daakhiligu ku amartay in aan hoteellada lagu qaban kulamo ka dhan ah heshiisyada Somaliland la gashay dawladda Imaaraadka, waxaanu baajiyay munaasibad xisbigu u kiraystay hoolka Maansoor si loogaga hadlo Saldhiga Imaaraadka ee Berbera. Wasiirkii hore ee caddaaladda haddana ka tirsan Waddani ayaa sheegay in hudheelku heshiis la galay xisbiga haddana uu ka baxay iyadoo boqolaal qof baabuur shidaal ugu soo shubatay oo u soo kallaheen, sidaas darteedna ay tahay in ninka leh dacwad lagu oogo.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa Hotel Maansoor u diray farriin u muuqata in aanay dib u kiraysan doonin isagoo ku eedaynaya in aanu xukumadda ka madax banaanayn “Waxaan leeyahay Maansoorow hudheel baad tahay gaar loo leeyahay, anagu ku cambaarayn mayno, laakiinse waxa weeye ilaa aad u xor noqotid hudheelkaaga oo aad Salla-calee sida hudheellada kale u madax bannaanaatid dee anagu sidan ku jiri mayno raalli baad naga ahaanaysa, Xukumadda soo wada hadla ama Salla-calee iska soo celi ama aanu doonano salla-calee dee,” ayuu yidhi Mudane Siciid Cilmi Rooble.

Sidoo kale guddoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme, ayaa sheegay in xisbigu dacwaynayo Hudheelka Maansoor iyadoo lagu haysto lugooyo uu u gaystay shan boqol oo qof oo lagu casuumay “Xisbiga WADDANI wuxuu dacweyn doonaa oo maxakamadda la tiigsan doonaa Maansoor Hotel, baajinta kulankii maanta iyo lugooyadda 500 ee qof ay kaga horjoogsadeen hoolkii shirka, madaama ay lacagtii kirada iyo heshiiskiiba u oggolaadeen Xisbiga,” ayuu boggiisa Facebook ku sheegay guddoomiye Dhamme.

Waxa uu intaasi raaciyay in Hudheelku u janjeedho xisbiga Kulmiye “Maansoor Hotel janjeedhkiisa Kulmiyaysani maanta oo keliya ma ahayne maalmo kale ee Xisbiga WADDANI munaasibado ku lahaa wuxuu samayn jiray carqalad iyo buuq abuurid lagu khalkhal gelinayo taageerayaasha munaasibadda jooga. Macaamiliisa waa laga fiirsan doonaa madaama aanu macshiisha Xisbiga WADDANI muunayn.”

Wasiir Khadar Xaaji Oo Ka Sheekeeyay Sida Uu U Yagleelay Wasaaradda Dhaqanka Iyo Dalxiiska Somaliland Oo Dhawaan Loo Magacaabay

“Aniga Haykalkii Wasaaradeed Oo Dhan Sameeyay Iyadoo Aanay Wax Dhaqaale Ahi Iga Soo Gaadhin Dawladda,” Wasiirka Dhaqanka Iyo Dalxiiska

Hargeysa(Warsugan) Wasiirka cusub ee wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Khadar Xaaji Yuusuf ayaa golaha wakiillada u sheegay in uu si isku tashi leh ku aasaasay  wasaaradda loo magacaabay oo laga soo kala dheegay wasaaradda Ciyaaraha iyo wasaaradda Warfaafinta. Wasiir Khadar ayaa shalay golaha wakiilladu ansixiyeen.

Mudane Khadar ayaa golaha u sheegay in wasiirnimo cidla ah loo magacaabay laakiin, uu isku tubariday isaga oo aan dhaqaale ka sugin xukumadda “Wasaaraddan Dhaqanka iyo Dalxiiska ee la ii magacaabay markii hore may ahayn wasaarad jirta oo meel loogu soo hagaago leh, wasaarad cusub bay ahayd oo la isku kabkabay oo qof meel cidla ah kaligii taagan oo la yidhi wasiir baad tahay oo meel uu wax ka bilaababa aan loo sheegin wax dhaqaale ah oo lagu hawlgeliyaana aanay jirin ayuun bay ahayd,” ayuu yidhi wasiir Khadar.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay in uu kaashaday khibraddiisa macallinimo maaddaama uu arday 20 kun gaadhaysa wax baray, sidoo kalena wax ka qoray buuggaagta waxbarashada ee dhinaca xisaabta uu go’aansaday in aanu cidna wax ka sugin “Maan sugin intii lacag la I siin lahaa aan guri ugu kireeyo dabeedna wax ku qabto, wasaaradda anigaa guriga u kireeyay, anigaa qalabeeyay, anigaa haykalkii wasaaradeed oo dhan sameeyay iyadoo aanay wax dhaqaale ahi iga soo gaadhin dawladda,” ayuu yidhi mudane Khadar Xaaji Yuusuf.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in qaybta dalxiisku markii hore u shaqaynaysay sidii shirkad gaar loo leeyahay “Waxaanu wadnaa in la dardar geliyo qaybtii hore ee dalxiiska oo aad moodaysay in shirkaddo gaar loo leeyahay gacanta ku hayeen oo aanay dawladdaba gacanta ugu jirin, waxaanu u nimid meel xataa Imaylka(E-mail) wasaaraddu isticmaalayso ay ashkhaasi lahayd oo wax dawladda gacanta ugu jira jirin, cashuurta dawladda ka soo gasha boqolkiiba toban wax ka yar ay khasnada dawladda ay gali jirtay waxyabahaasi waxyaabaha fawdada ahaa ee aanu hagaajinay ayay ka mid yihiin,” ayuu yidhi wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiisku.

Waxa uu sheegay in ay ku hawlan yihiin kulan la isugu yeedhayo dadka aqoonta u leh waaxda Dalxiiska iyo asaarta qadiimiga ah, sidoo kalena xeerkiii arrimahaasi lagu maamuli lahaa ay golaha u soo gudbinayaan.

“Reer Berbera Iyo Xisbiga Kulmiye Wax Ay Isku Seegan Meesha Ma Yaal,” Badhasaabka Saaxil

Berbera(Warsugan) Guddoomiyaha gobolka Saaxil mudane Jaamac Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in xaaladda ammaanka ee magaalada Berbera wanaagsan tahay xilli ay taagan tahay khilaaf u dhexeeya shaqaalaha dekedda Berbera iyo shirkadda DP World. Waxa uu sheegay in bulshada reer Saaxil taabacsan tahay xisbiga Kulmiye, islamarkaana aanay isku seegi doonin maalgalinta Dp World iyo Saldhiga Militari ee Imaaraadka.

Wariye Badri Koosar oo ka tirsan telefishanka Star ayaa guddoomiyaha Saaxil waydiiyay xidhiidhka Kulmiye iyo bulshada Saaxil xilligan oo la dareemayo in khilaaf u dhexeeyo labada dhinac waxaanu ku jawaabay “Reer Berbera iyo xisbiga Kulmiye wax ay isku seegan ba meesha ma yaallo, reer Berbera aad bay xisbiga Kulmiye u jecel yihiin, aad bayna u soo dhaweynayaan,” ayuu yidhi badhasaab Jaamac.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in aanay kalsoonida Kulmiye ee Saaxil lumin Karin heshiisyada xukumaddu la gashay dawladda Imaaraadka “ Labada arrin ee inagu soo biiray awal shirkaddo aynu leenahay uun baa laga wada hadli jiray laakiin, DP World oo caalamka intaas oo dekedood gacanta ku haysa iyo Saldhig markay inagu soo biiraan wacyi gelintii dadka uun baanu wadna arrintaasna insha Allah cagaha ayaanu u dhigi doona,” ayuu yidhi Badhasaabku.

Guddoomiyaha Saaxil ayaa bulshada ugu baaqay in ammaanka gobolka la wada ilaaliyo, islamarkaana la iska kaashado wada xoojinta horumarka gobolka Saaxil, waxaanu sheegay in Berbera noqonayso Dubay yar, waxaanu ka gaabsaday aragtidiisa Saldhiga Berbera oo uu ku tilmaamay arrin khusaysa xukumadda Somaliland.

Gobolka Saaxil waxaa ka soo noqnoqday cabashada iyo tabashada ay ka qabaan Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo kuwaasi oo ku teedsana warshada Laydhka, Haamaha shidaalka, dekedda Berbera iyo Saldhiga hadda la hadal hayo oo ay diidmo ka muujiyeen wareejintooda.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Kulamo La yeeshay Qaar Kamid ah Hay’addaha Ay Somaliland Wadda Shaqayntu Ka Dhaxayso

Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wefti uu hogaaminaayo oo weli ku guda jira Safar shaqo oo ay maalmihii ugu dambeeyey ku joogeen dalka Kenya ayaa u maraaya meelo muhiim ah, Wasiir Maxamed Ibraahim Qabyatire ka war bixiyey kulamo uu la qaatay qaar kamid ah madaxda sar sare ee Ha’yadaha qaramadda midoobay, ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kamid ahaa Madax sare ee Ha’yadda UNFPA, waxayna Wasiirka qorshaynta ka wada hadleen qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin, Dardar gelinta hawlaha iyo shaqooyinka ay Ha’yada UNFPA ka wado gudaha Somaliland, dhanka UNFPA waxay Somaliland u balan qaadeen in ay dhawaan keeni doonaan Baabuurta gurmadka deg deg ah ee Ambalaasyadda taas oo ay bixinayso dawlada Japan, oo loo qaybin doono cusbitaalada dalka, waxaana uu wasiirka u sheegay in shaqadii hore uga hayeen Somaliland ay u samayn doonaan weji kale oo firfircoon isla markaasna ay ka qayb qaadan doonaan abaaraha dalka ka jira.

Sidoo kale wasiirka qorshaynta qaranka ayaa la kulmay Madaxa Ha’yadda UNICEF ee fadhigeedu yahay isla Nairobi, waxayna ka wada hadleen mucawanadda ay dalka soogaadhsiiyaan, madaxa UNICEF Wuxuu wasiirka u sheegay in uu u qorshaysan yahay safar shaqo ay ku iman doonaan dalka gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo, halka Burco iyo Hargeysana bilaha soosocday ay tegi doonaan.

Dhamaan kulamaddan Wasiirka qorshayntu uu la yeeshay Madaxda Ha’yadaha UNFPA, UNICEF iyo weliba World bank ayaa ku dhamaaday is afgarad.

Askari Ka Tirsan Booliska Somaliland Oo Ku Geeriyooda Goob Raashin Lagu Qaybinayay.

Dila(Warsugan) Hal askari oo ka tirsan ciidanka booliska ee magaalada boorama ayaa   shalay ku Geeriyooday buuq ka dhashay deeq raashin ah oo loo qaybinayay dadka kasoo barakacay abaaraha ee ku sugan deegaanka degmada Dila. Askariga ayaa la sheegay in dad ka gooday qaybinta gargaarku shiid ku tuurayeen kadibna uu ka dhacay gaadhi uu saarna intaas kadibna uu gaadhi kale jiidhay. taliyaha saldhiga Booliska ee Degmada Dila  Maxamed Axmed Ciise ayaa shabakadda Hadhwanaag u xaqiijiyay geerida Askariga.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Yaxye Cabdilaahi Xasan ayaa geeriyooday kadib markii ay buuq hadheeyay goob raashin lagu qaybinayay oo lagu magacaabo Waxara-waalisleey oo ku taala duleedka Dila. Sidoo kale waxa ay wararku intaas ku darayaan in baabuurkii  shilkaasi gaystay uu goobtaasi ka cararay markii uu shilku dhacay kadib, taasina ay sababtay in dib loo dhigo Aaska marxuumka loo samayn lahaa. Raashinka shilkani ka dhacay ee degaanka Dila lagu qaybinayay ayaa waxa ku deeqday hayada GAA (Germen Agro Action) xafiiskeeda magaalada Boorama.

Dawladda Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday Saddex Maalmood Oo Baroor-diiq Qaran Ah

Addis Ababa(Warsugan) Dawladda Itoobiya ayaa iclaamisay saddex cisho oo baroor diiq  Qaran ah, taas oo guud ahaan dalka iyo safaaradaha dibada calanka hoos loo dhigay kadib inka badan 70 qof oo ku dhintay buuro xashiish ka samaystay oo ku dumay dad wax ay dib u sii iibiyaan ka urursada iyo kuwa degana meelo aan ka fogayn buuraha dullaamay. Duleedka caasimada Itoobiya wax aka dhacay masiibo galaafatay 72 qof inta la og yahay, kadib markii goob muddo dheer xashiishka lagu qubayay ku soo dullaantay dad ag degan iyo kuwo ka urursada waxyaabo ay dib u iibiyaan.

Golaha wakiillada Itoobiya ayaa soo saaray bayaan lagu shaaciyay in muddo saddex maalmood ah loo baroor diiqayo dadkaasi, taasi oo maanta ka bilaamaysa “ Muddada saddexda cisho ah waxaa kalabadh hoos loo dhigi doona calanka guud ahaan dalka, Safaaradaha, Qunsuliyadaha iyo Maraakiibta Itoobiya leedahay,” ayaa lagu qoraalka golaha shacabka.

Maayarka Addis Ababa ayaa saxaafadda u sheegay in ay hawl gal adag ugu jiraan sidii dadka dhibaatadu gaadhay wax loogu tari lahaa, islamarkaana dib loogu dejin lahaa boqolaal qoys oo degaannadooda ay ku dullaameen buuraha xashiishka ah. waxa uu sheegay in 106 qoys dib loo dejiyay kuwaas oo ka mid ahaa 297 qoys oo degana agagaarka goobta shilku ka dhacay.

Muwaadiniinta Codbixiyayaasha Holland oo looga digay Inay U Codeeyaan xisbiga Islaamka Diidka Ah

Ra’isul Wasaaraha dalka Holland, Mark Rutte, ayaa ka digay in dalkiisu uusan u liicin dareenada wadaniga ah ee uu la xidhiidhiyay ka bixiddii Ingiriiska ee Yurub iyo doorashadii Donald Trump.

Mr Rutte, ayuu hadalkiisu ku wajahnaa ninka ay aadka isku hayaan ee u janjeedha wadaniyadda ee Geert Wilders, xilli ay ka qayb galayeen dood laga sii daayay taleefishinka ka hor doorashada la qaban doono maalinta Arbacada ah.

Mr Wilders ayaa ballan qaaday in Netherlands uu ka saari doono Midowga Yurub, oo uu xidhi doono masaajiddada misana uu mamnuuci doono Quraanka Kariimka ah. Afkaarta  dadka laga uruuriyay qaarkeed ayaa tilmaamaysa in Xisbiga Xorriyadda ay suuragal tahay inuu ku guulaysto kuraas badan.

Taasina waxa ay u sahlaysaa inuu dhiso xukuumad isbahaysi ah, hasayeeshee axsaabta kale ee doorashadan u loolamaysa ayaa meesha ka saaraya in aanay la shaqeyn doonin Xisbiga Xorriyadda, taasi oo xaaladda ku adkeyn karta Wilders.

Dooddii taleefishinka laga sii daayay Isniintii ayaa aheyd middii ugu horreysay ee ay ku kulmaan labada nin ee ugu cadcad tartanka doorashada, kaddib markii Mr Wilders uu dhowr jeer oo hore diiday inuu ka qeyb qaato doodo hore.

 

Maxkamadda Waddama Reer Yurub ugu sarraysa Oo Sharciyeysay Inaan Haweenka Muslmiinta Ahi Xijaabka Ku Shaqo Tagi Karin

Maxkamadda ugu sarraysa Yurub, ayaa xukuntay in dadka loo shaqeeyeyaasha ahi ay xor u yihiin in ay shaqaalahooda ka mamnuucaan “xidhashada wax kasta oo noqon kara calaamad siyaasadeed, mid falsafadeed ma mid diineed oo muuqata” waxaana ka mid ah xijaabka.

Laakiin sida ay sheegtay Maxkamadda Cadaaladda Yurub (ECJ), mamnuuciddan ayaa ay tahay in lagu saleeyo sharciyada u gaarka ah shirkadaha xeerarkoodu dhigayaan in shaqaaluhu xidhaan lebis dhexdhexaad ah.

Laguma salayn karo rabitaanka macaamiisha, ayey tidhi maxkamaddu.

Waa go’aankii u horreeyey ee maxkamaddu ka gaadho in lagu shaqo tegi karo xijaabka.

Xukunkan Maxkamadda Cadaaladda Yurub wuxu ka dhashay dacwad ay gudbisay haweeney shaqadeeda looga eryey in ay xidhnayd xijaabka oo u shaqayn jirtay shirkadda G4S ee dalka Belgium.

Maxkamadda sare ee Belgium ayaa dacwadan hore ugu gudbisay maxkamadda ugu sarraysa Yurub si ay talo sharci uga bixiso.

 

Budhcad Badeedii Somalida Oo Soo  Noqotay Iyo Markab Nooca Xamuulka Ah Oo Ay Afduubteen.

Wararka ayaa tibaaxaya in Markab nooca xamuulka ah laga af-duubay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya. Tiro rag ah oo loo malaynayo in ay budhcad badeed yihiin ayaa fuulay markabkan oo badda ku maaxeyey calanka Sri Lanka, waxaanu markaa marayey xeebaha woqooyi ee Soomaaliya maalintii Isniintii, sidaana waxa sheegay dad degaanka ah iyo saraakiil.

Af-hayeenka guuto ka tirsan ciidamada badda Midowga Yurub oo hawlo la dagaalanka budhcad badeedda ah ka wada halkaa, ayaa sheegay in aan lagu degdegi karin in la xaqiijiyo in af-duubkan ay fuliyeen budhcad badeed iyo in kale.

Hadii arrintan la xaqiijiyo waxay noqon doontaa dhacdadii u horraysay ee markab xamuul ganacsi ah ay ku af-duubtaan budhcad badeed Soomaali ahi tan iyo sannadkii 2012.

Guutada ka socota ciidamada badda ee Midowga Yururb ayaa BBC-da u sheegtay “waxaanu dhacdadan ka war helnay  isniintii waxaana aroornimada hore saaka loo diri doonaa diyaarad nooca yaryar ah si ay u soo baadho”.

John Steed oo ka tirsan hay’adda garkaarka ee la yidhaado Ocean Beyond Piracy, oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa yidhi “shalay galabtii wuxu markabku sheegay in ay daba socdeen laba laash oo yaryari, ka dibna warkiisaba waa la waayey”.

 

Turkiga oo Midowga Yurub ku tilmaamay in-dhaw garad

Turkiga ayaa ku tilmaamay Midowga Yurub mid meel dhaw wax ka arka   ka dib markii midowgu ku tirtirsiyey Ankara in ay joojiyo hadallada dhiifta leh ee ay ku durayso Netherlands oo ay diblomaasiyadda isku seegeen.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegtay in ay gef wayn tahay in midowgu taageero xukuumadda Dutch-ka oo laba wasiir oo Turki ah ka hor joogsatay in ay jaaliyadda Turkiga ah ee dalkeeda degan uga dhex ololeeyaan taageerada dastuurka cusub ee Wadankooda.

Ra’isal Wasaaraha Netherlands, Mark Rutte, oo maanta gelaya tartanka doorashooyinka guud ayaa sheegay in cuna qabataynta Turkigu ku soo rogay dalkiisu ay tahay mid aad u xun.

Dowlada Turkiga ayaa mar hore  ku dhawaaqday talaabooyin ay kaga aargoosaneyso Netherland. Ra’iisalwasaare ku xigeenka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa sheegey in danjirihii Holland u fadhiyey Ankara aanu soo noqon doonin , waxaana la joojiyey kulan sare oo ay yeelan lahaayeen mas’uuliyiinta labada dal.

Olole uu Turkigu doonayay inuu ka dhigo waddamada Jarmalka, Austria, Switzerland iyo Holland ayaa la joojiyey. Isu soo baxyadan ayaa looga gol lahaa  in dadka Turkiga ah ee ku nool Yurub ay ugu codeeyaan aftida lagu kordhinayo awoodaha madaxweynaha Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyey waddamada Jarmalka iyo Netherland in ay yihiin naasiyiin.

Wariyaha BBC-da Mark Lowen oo ku sugan Istanbuul ayaa sheegay in waddamada Holland iyo Turkiga oo xunbo ka ah gaashaanbuurta NATO ay ka dhexdhacday ismaandhaafkii siyaasadeed ee ugu xumaa.b Isniintii ayaa wasiirka arrimaha dibada ee Turkiga Mark Rutte waxa uu digniin u jeediyey dadka reer Holland ee ku sugan Turkiga in ay taxadir muujiyaan isaga oo carabaabey khilaafka dublamaasiyadeed ee taagan.

Puntland Oo Abaabuleysa Ciidan  Isku Biimeeya Soo Furashada Markab La Afduubtay

Maamul Goboleedka Somaliya  ee Puntland ayaa sheegay inay abaabulayaan ciidamo amni oo soo furta markab la sheegay inay soo afduubeen kooxo hubaysan, kaasoo la geeyay meel u dhow xeebta Caluula uu ku afduuban yahay, waxaana soo furashada markabkan ka gaabsaday Ciidamada midowga Yurub bals waxay u muuqataa inay isku biimaynayaan Maamul Goboleedka Somaliya  ee Putland

Guddoomiyaha degmada Caluula Cali-Shire Maxamuud Cismaan ayaa VOA u sheegtay in dadka soo afduubtay markabkaasi ay yihiin budhcad badeed, sida uu hadalka u dhigay, hase yeeshee nin sheegtay inuu ka mid yahay dadka markabka soo qabsaday ayaa VOA isna u sheegay inay yihiin kalluumaysato.

Markabkan oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa kasoo shiraacday magaalada Jabuuti waxaana uu u socday Muqdishu markii shalay la afduubay. Mas’uuliyiinta la socda markabkaasi ayaa VOA u sheegay inay la socdaan toddoba qof oo shaqaale ah oo u dhashaya dhammaantood dalka Sirilanka.