Aqalka Wakiillada Mareykanka oo laalay codkii qayaxnaa ee uu Trump dul dhigay miisaaniyadda difaaca

0
308

Kongareeska Mareykanka ayaa laalay codka diidmada qayaxan oo uu Madaxweyne Donald Trump dul dhigay hindise sharciyeedka dhaqaalaha ku baxa gaashaandhigga dalkaas, arrinta oo ah middii ugu horraysay ee uu Trump la kulmo intii uu xilka hayay.

Aqalka Senate-ka oo uu maamulo Xisbiga Jamhuuriga ayaa waxa uu yeeshay kulan dhif iyo naadir ah oo ay maalintii koobaad ee sanadka cusub uga doodeen arrintan, middaas oo ay Aqalka Wakiillada horay ugu soo codeeyeen.

Hindise sharciyeedkan ku kacaya $740 bilyan oo doolar ayaa waxaa lagu maalgelinayaa siyaasadda gaashaandhigga Mareykanka ee sanadka soo socda.

Mr Trump, oo todobaadyo gudahood ku bannaynaya xafiiska, ayaa diiday qeyb ka mid ah qodobbada hindise sharciyeedka.

Senate-ka ayaa 81 ugu codeeyay hindise sharciyeedka loo soo gaabiyay (NDAA) halka 13 ay diideen, iyadoo saddex meelood oo meel loo baahnaa inay meelmariyaan hindise sharciyeedkaasi si loo laalo codka diidmada qayaxan ee madaxweynaha.

Waxa ay arrintan imanaysaa laba maalmood uun ka hor marka Kongareeska cusub ee Mareykanka la dhaarin doono.

President Trump and First Lady Melania Trump arrive at the White House on 31 December 2020
Mr Trump ayaa waxa uu walaac ka muujiyay siyaasadaha xaddidaya ciidammada laga soo saarayo Afgaanistaan iyo Yurub iyo in magacyada madaxda wadammada iskaashiga kala dhaxeeyay Mareykanka laga tiro saldhigyada milateri.

Ka hor inta aanay dooddu bilaaban, ayaa hogaamiyaha Senate-ka ee Xisbiga Jamhuuriga Mitch McConnel waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in hindise sharciyeedka la meelmariyo.

“Halkan waxaa ku cad waxa Senate-ka uu diiradda saaray – oo ah in la dhammaystiro sharciga difaaca ee dhowraya ragga iyo dumarka geesiyaaasha ah ee iskood u xirtay dharka milateriga.

“Waxaannu sharcigan si xiriir ah u soo meelmarinaynay 59 sanadood. Sikasta oo ay nagu qaadatana waxaannu dhammaystiraynaa midka 60-aad, sharci ayaanan ka dhigaynaa ka hor inta aanan Kongareeska la xirin maalinta Axadda ah,” ayuu ku daray.

Goor dambe ayuu Mr Trump ka jawaabay cod bixintaas, gaar ahaan arrinta dambiga kooxaha qaar loogaga weecinayo.

“Senate-keenna Jamhuuriga waxa uu lumiyay fursad ay hindise sharciyeedka uga saari lahaayeen qeybta 230, taas oo awood aanan xadidnayn siinaysa shirkadaha tiknolojiyadda ee waa wayn. Waa wax laga xumaado!!!” ayuu Trump ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Hindise sharciyeedka ay Kongareesku meelmariyaan ayaa u baahan in madaxweynaha uu saxiixo si sharci uu u noqdo. Marar dhif iyo naadir ah ayuu madaxweyne doortaa inuu codka diidmada qayaxan adeegsado ama uu diido sharciga, waana marka siyaasadaha qaar la isku khilaafo.

Xildhibaannada ayaa awood u leh markaas inay laalaan codka diidmada qayaxan ee madaxweynaha, sidaasna ay sharci uga dhigaan hindise sharciyeedka, iyagoo taas ku taageeraya saddex meelood oo laba meelood codka labada gole ee Koongareeska.

Troops returning from Afghanistan deployment earlier this month

Afhayeenka Aqalka Wakiillada, Nancy Pelosi, oo ah qofka ugu awoodda badan Kongareeska ee Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa sheegtay in codka diidmada qayaxan ee Mr Trump uu ahaa “fal aan laga fiirsan oo waxyeelayn kara ciidamadooda, amnigoodana khalkhal gelin kara oo waxyeelaynaya rabitaanka xubnaha labada xisbi ee Koongareeska”.

“Xilli dalkayaga lagu soo qaaday weerrar culus oo dhanka internetka ah, waa ay adag tahay in la fahmo waxa uu ku sababaynayo mas’uuliyad xumida madaxweynaha,” ayey ku tidhi bayaan ay soo saartay.

Mr Trump ayaa horay waxa uu codka diidmada qayaxan ugu laalay sideed hindise sharci, kuwaas oo ay soo baritaareen xildhibaannada Kongareeska ee Xisbiga Jamhuuriga.

Waxaa lagu wadaa inuu xafiiska banneeyo 20-ka Janaayo, markaas oo uu badeli doono Joe Biden oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga.

Mr Trump ayaa sharciga ka kooban 4,500 ee bog, oo laga soo shaqeynayay ku dhawaad muddo sanad ah, waxa uu ku tilmaamay, “hadiyad la siinayo Shiinaha iyo Ruushka”.

“Nasiib darro, sharciga waxaa ka maqan tallaabooyin muhiim ah oo la xiriira ammaanka qaranka, oo ay ka mid yihiin qodobbo meesha ka saaraya qadarintii ay mudnaayeen halyeeyada iyo taariikhda milaterigeenna, waxa uuna liidayaa dedaallada maamulkayga uu Mareykanka ku horumarinayay oo uu ammaanka qaranka kow uga dhigayay iyo tallaabooyinka siyaasadda dibadda,” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here