Aragtidayda iyo Halka Uu Khilaafka UCID Ku aroorayo.Qaybta 1aad. W/Q Siciid Gahayr‏

0
352

September 2011kii ayaan ka mid noqday Golaha Dhexe ee UCID, waa markii ay Maxkamadda Sare ee Somaliland ku dhawaaqday in ay sharci-darro ahayd xil-ka-qaadistii ay Guddoomiye Faysal Cali-Waraabe ku sameeyeen xubno UCID ka tirsanaa oo markii dambe aasaasay Xisbiga WADDANI. Waayadaa waxa ay awoodda xisbigu gaadhay halkii u hoosaysay. Shirar kala duwan oo joogto ah ayaanu meelo kala geddisan ugu kulmi jirnay hoggaanka UCID. Talo iyo tusaale ayaanu wadaagi jirnay. Si xaaladda cakiran looga baxo ayaanu guntiga u xidhannay.

Baahida ugu weyn ee Xibsiga haysay waxa ay ahayd cid ku soo biirta oo muruq,maal iyo maskaxba ku gurmata. Weydiintayada ugu weyni waxay ahayd “Yaa noqonaya Murashaxa Madaxweyne iyo Ku-xigeen ee Xisbiga”. Meelo kala duwan ayaanu shirar ku galnay bilihii Oktoobar, Nofember iyo Disember ee sannadkii 2011ka. In kasta oo rag badan lala xidhiidhay, haddana lama helin cid si rasmi ah loogu heshiiyo inay noqdaan murashixiinta Xisbiga. Shirweynihii UCID waxa uu ka qabsoomay Crown Hotel ee magaalada Hargeysa 05-06dii Jenewari 2012ka.

Aniga oo ka mid ahaa Xubnaha Golaha Dhexe ee UCID waxa aanu mar saddexaad Guddoomiye u doorannay Engineer Faysal Cali-Waraabe. Sababtuna waxa ay ahayd in sannadkii 2006da la ansixiyay in Guddoomiyaha Xisbigu aanu laba jeer wax ka badan qabannin agada Guddoomiyeha, sidaas ayaan loogu xisaabin doorashadii Guddoomiye Faysal Cali-Waraabe ee sannadkii 2001da. Saddex jeer ayuu noqday hoggaanka Xisbiga.

Khudbaddii uu jeediyay waxa ka mid ahaa “Dhaqaale ahaan iyo jidh ahaanba waan burburay. Imaka laga bilaabayo isuma taagayo doorashada Madaxweynaha. Cidda uu Xisbigu u arko in ay ku habboon yihiin ayaa loo dooran doonaa Murashixiinta Madaxweynaha Xisbiga”. Xilliyadaa waxa uu Faysal geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii loo heli lahaa murashaxiin madaxweyne iyo ku-xigeen oo ka qayb qaata in Xisbigu soo baxo.

Anigu waxaan ka mid ahaa rag doonayay in ay u tartamaan doorashada Goleyaasha Degaanka Somaliland, waanu iga aqbalay Guddoomiye Faysal. Laakiin waxa i wiiqay xanuunka macaanka oo horraantii 2012ka igu laxaadsaday. Kaalinaydii waxa galay Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) Maayarku-xigeenka caasimadda Hargeysa oo markaan qorshaha UCID ku jiray ka tirsanaa urur-siyaasadeedkii NDB ee diiwaan-gelinta iyo kala-reebista ku hadhay. Imakana hanka aan UCID ka leeyahay waa mid qarsoon oo dad koobani og yihiin, kol ay noqotana waan naadin haddii Alle idmo..

19kii March 2012ka ayaan ogaaday in wada-hadal u socdo UCID iyo Murashixiintii UDUB ee laga eexday oo kala ahaa Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid oo ay weheliyaan siyaasiyiin badan oo UDUB ka goostay. Jamaal Cali Xuseen wuxuu Hargeysa yimi June 2012kii. Si rasmi ahna waxa markii sooyaalku ahaa 12kii Julaay 2012ka heshiis u galay garabkii uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayay ee UDUB iyo UCID oo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe hormood u yahay. Qodobbada heshiiska waxa ka mid ahaa

1. In siyaasiyiinta UDUB la siiyo Murashixiinta Madaxweynaha, Ku-xigeenka ee doorashada soo socota

2. In garabka uu Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayo la siiyo Xoghayaha Guud iyo Af-hayeenka Xisbiga

3. In Golaha Dhexe ee Xisbiga laga dhigo 250 xubnood oo 100 ay keenaan UCID, 100 kalena ay keenaan garabka UCID iyo in la qaybsado 50ka xubnood ee soo hadhay.

Heshiiskaa waxa lagu ansixiyay shir ay qabsadeen Golaha Dhexe ee Xisbigu oo 16kii Oktoobar ee 2012kaka dhacay Ambassador Hotel ee magaalada Hargeysa,waxan ka mid ahaa Xubnaha Golaha Dhexe ee u codeeeyay heshiiska. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan waa laban nin oo dhaqaale ahaan, cilmi ahaan, sumcad ahaan iyo bulsho ahaanba dhisan. Labadooda iyo raggii la socday waxa ay hormood u ahaayeen in UCID mar kale noqdo Xisbi qaran kuna soo baxo doorashadii Goleyaasha Degaanka ee Somaliland ka dhacday 29kii Nofember ee 2012ka. Murashixiinta Xisbigu waxa ay bixiyeen dhaqaalaha ku baxaya ololaha shan gobol oo kala ahaa Awdal, Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag iyo Sool. Gobolka Saaxil isaga ayaa iskii isu maamulay, waxaana dhabarka u ritay murashixiintii iyo hawl-wadeennadii Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil.

Afar cisho oo UCID sharcigu u siiyay olaha waxa uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen u kala gooshay Hargeysa,Sheekh, Gebiley, Burco, Boorama iyo Ceerigaabo. Wuxuu ahaa murashaxii kowaad ee gaadha magaalada Laascaanood ee caasimadda Sool. Engineer Faysal Cali-Waraabe wuxuu afarta cishaba joogay Hargeysa iyo Sallaxley quusna wuxuu ka taagnaa dhammaan Gobollada Somaliland in uu cod ka helo, taasna waxa sabab u ahaa guul-darradii doorashada Madaxtooyada ee UCID ku dhacday 2010kii. Waxan odhan karaa Jamaal iyo Cabdirashiid waxa ay keeneen codkii Xisbigu ku soo baxay 80%. Haddii aanay olole iyo loollan adag gelinna Xisbiga UCID ma soo baxeen.. Xisbiga UCID wuxuu guushiisa ugu dabbaal-degay Maansoor Hotel ee magaalada Hargeysa 01dii Jeneweri 2013ka.

Markii Xisbigu soo baxay waxa aan qof ahaan dareemayay in la maroorsaday taladii Xibsiga iyo in meesha laga saaray wada-tashi dhex mara Guddoonka iyo Murashixiinta Xisbiga. Halkii hore looga dhaqaaqi lahaana gadaal ayuu guddoonka xisbigu u tallaabsaday. Falalkani waxa ay sababeen in ay xilalkii Xisbiga iyo xubinnimadaba iska casilaan masuuliyiin ay ka mid yihiin:

Axmed Ismaaciil Aadan (Axmed Keyse) Xoghayihii Guud ee UCID

Ambassador Cabdi Saleebaan (Mingiste) Xoghayihii Arrimaha Gudaha UCID

Garyaqaan Muuse Ismaaciil Qardhab, Af-hayeenkii Xisbiga UCID iyo

Marwo Faadumo Siciid Ibraahin Xoghayihii Maaliyadda UCID

Ficillada khilaafka Xisbiga UCID sii huriyay waxa ka mid ahaa in Guddoomiye Faysal Cali Waraabe uu xubin ka noqday Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta sannadkii 2013ka. Isaga oo hormood u ah xisbi sharci ah ayuu dhex fadhiistay gole aan sharciyadda waafaqsanayn. Waxa seegtay in uu si dadban u taageero, siyaasad ahaanna taageero sidii uu Axmed-Siilaanyo u taageeri jiray ururkii Qaran sannadkii 2007da. Xilligaasi waxa ay Guddiga Diiwaan-gelinta ururradu ku baaqeen in Xisbiga UCID uu tallaabo ka qaado Guddoomiye Faysal Cali-Waraabe, laakiin lama samayn oo waxa lagu hakiyay wada-hadal hoose.

Bishii Feberwari 2014ka oo ay Turkiga ka dhacayeen wada-hadallo u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya aniga iyo xubin kale oo Xisbiga ah ayaa codsannay in wefdiga aanu raacno, oo mucaaridka metelno. Xukuumadda Somaliland oggolaansho waanu ka helnay, laakiin waxa noo diiday Faysal Cali Waraabe oo u arkayay in haddii isaga la reebay aanay cid kalena tegin oo UCID ahi. Miyaanay cid kale oo Xisbiga ahi u qalmin in ay UCID ku metesho wada-hadallada qaran?

Waxyaabaha la-yaabka leh waxa ka mid ahaa Xil-ka-qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii UCID ee Gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Sheekh Haaruun. Gefka loo aaneeyay waxa uu ahaa in uu la socdo Murashixiinta Xisbiga. Inta lala shiray beeshiisa ayaa la yidhi “Soo beddela wuxuu la socdaa cid xisbiga ahe”. Laakiin may suurtogelin in tolkii taas la marsiiyo, markii dambena xilkii iyo xubinnimadii waa laga caydhiyay. Illaa xilligaa waxa ay murashixiinta UCID muujinayeen dulqaad, odaynnimo, masuuliyad iyo deggenaan.

La soco

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com