AXMED SIILAANYO : Hogaamiye 60 Sanadood Budh-tuur U ahaa Siyaasiyiinta Somaaliyeed Maanta Inuu Laanta Xumeeyo Xaasha.
Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo oo haatan ah Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu halgan qadhaadh usoo galay sidii ay Somaliland uga bixi lahayd cadaadiskii,cabudhiskii,ciqaabtii,iyo caga juglayntii uu nidaamkii jaalle Maxamed siyaaad bare baday dadka reer Somaliland .
Md:Axmed Siilaanyo wagaasi waxa uu ahaa wasiir aad u magac iyo maamuus sareeya ,waxa uu ahaa shakhsi aad caan uga ah golihii wasiirada ee siyaad barre waxa uu ahaa masuul uu ku dhaato siyaad barre shaqadiisa,kartidiisa iyo Codkarnimadiisa , wakhtigaasi dahabiga ah iyo siinadaasi waxa uu ka door biday inuu boodhka isku aaso si uu dalkiisa uga xoreeyo rajiimkaasi ,waxa uu maalmo u qaday habeeno tiro badana u guureeyay sidii uu shacabka Waqooyi u xorayn lahaa isaga iyo mujaahidiintii SNM Alle raali ahaka ahaado dhamaantoodbee.
SNM waxay ku guulaysatay inay samaysto hogaamiye wanaagsan oo kala dabaasha marxaladaha qadhaadh ee ururkooda soo wajahay ,Axmed-na waxa uu noqoday hogaamiyihii ay u baahnaayeen taasoo ka dhigay inuu noqdo guddomiyihii ugu mudada dheeree ee ururka kadiba uu iskii ugu wareejiyay Tuur alle ha u naxariistee sida uu sheegay Xaaji cabdi Waraabe oo kamida haa makhraatiyada maanta nool .
Somaliland Sanadkii 2003 waxa ay gashay doorashadii ahayd (One Man One Vot) oo shacabku ku dooranayeen Madaxwayanaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka JSL ee shanata sano Axmed siilaanyo iyo xisbigiisi wagaasi waxa lagag helay codad mar danbe la shaaciayay oo tiradooda lagu sheegay 80 cod, Xisbigii KULMIYE ragii ugu cuslaa waxa ay ku baaqeen hogaamiye siilaanyo inaanu aqbalin natiijada waxaana laga dhaxalay weedho ahaa “Waar ma waxaad doonaysaa inaan dalkii aan usoo halgamay ka dhigo sida Cali Mahdi iyo Caydiid ka dhigeen Xamar Xaasha”sidaasi ayuu ku aqbalay natiijada codadkaasi yar ,taasina waxa ay suurta gal uga dhigatay inuu noqdo hogaamiye shacbiyad badan,islamarkaana ay majeertaan dalalka ugu awooda badan dunidu oo aanay ka dhcin in musharax madaxwayne laga adkaado codad intaasi lee goo uu aqbalo .
Sideed Sano ayuu ahaa mucaarid geed dheer iyo mid gaabanba u fuusha siduu uu Somalilandta uu usoo halgamay isbadal siyaasadeed oo mug wayn uu uag dhalin lahaa, khatar ayuu naftiisa u galiyay sidii uu madaxwayne u noqon lahaa bulshada ka saara Gaajada iyo Horumar La’aanata ay baday xukuumadi UDUB.
Sanadii 2010 ayuu ku guulaysatay codad aqlabiyada isagoo da’diisu tahay 75 sanadood oo intii ugu badanayd uu ku qaatay sidii uu marna dalka u xorayn lahaa marna isbadal u samayn lahaa .
Waxqabadkiisii….
Ma jirto cid qoratay kitaab ama maqaal oo dhamaystiri karta waxqabdkiisa balse hadana waxa lagama maarmaan ah in aynu bulshada u faahfaahino waxa uu yahay hogaamiyahoodu ,waxa uu u qabataya iyo waxa uu ka mudan yahay .
Dhaqaalaha Somaliland waxa uu gaadhsiiyay meel aanu waligii hawaysan ,oo wareer ku riday dalalka dariska la ah Somaliland ,dhaqaalaha sanadeedka Somaliland waxa uu ka badan yahay miisaaniyada Dalalka Somaliya ,iyo South Suudaan .
Ciidamada Somaliland waxa uu ka dhigay kuwo laysku halayn karo awood ahaan waxa uu siiyay waxkasta oo ay xaq u lahaayeen sida Mushaharo,Gunooyin,iyo darajooyin ay isku ixtiraamaan ,Somaliland waa dalka saddexaad ee ugu ciidanka adag Geeska Afrika gaar ahaan ciidamada Dhulka .
Siyaasada arrimaha dibada ayuu Madaxwayne siilaanyo ka dhigay mid aad u firfircoon ,Somaliland ayaa saaxiib dhaw la noqotay dalalka Itoobiya ,Jabuuti ,Immaradka Carabta ,Kuwait,Kenya,Ingiriiska,Sweden,iyo maraykanka oo imika yeeshay hogaamiye cusub oo isha ku haya dimuqraadiyada iyo geedisocodka nabadeed ee Somalilnd .
Somaliland ayaa maalgashi culus ka heshay dalalka Carbeed sida Kuwait oo mashaariic 50 Milyan ku kacday ka fuliyay Somaliland iyo Immaradka oo 1Bilyan lacag ku dhaw ula diyaara Jamhuuriyada Somaliland ….
Waxbarshada Somaliland ayaa noqotay mid layaab leh iyadoo ay lacag la’aan ku dhigtaan ardayada dugsiyadu ,jaamacadaha Somaliland ayaa cagacagaynaya kudhawaad 15 Jaamacadood oo tayadooda ay kormeerto Xukuumadu.
Kaasina Waa Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo oo suuta galiayay in shakhsi kali ahi sibadal laxaadleh ku samayn karo dal diciifa ………