Balamaha Siyaasiyiinta Somaliland U Samaynayaan Dadka Gobolka Hawd Waxa Ka Dhaw Mid Uu Xasan Sheekh Balan Qaaday Oo Ah….”Sul Cumar Sul. Maxamed

0
1042

Suldaanka guud ee gobolka Hawd Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa shaaca ka qaaday balan qaad
uu madaxweynaha dawlada federaalka ah ee somaliya u sameeyey dadka deegaanka gobolka Hawd.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo ka hadlayey munaasibad uu u qabtay in ka badan 400 arday oo ka qalin jabiyey jaamacadaha dalka iyo dibada oo ka soo jeeda gobolka Hawd ayaa sheegay in balamaha ay siyaasiyiinta somaliland u samaynayaan gobolka Hawd ay ka dhaw dahay balanta xasan sheekh Maxamuud waxaanu yidhi “Xasan Sheekh waxa uu balan qaaday in haddii uu ku guulaysto doorashada somaliya inuu gobolka Hawd Waddadana u dhamaystirayo,
biyo-na u soo saarayo, balantaas ayaana ka dhaw balamaha ay siyaasiyiinta somaliland u samaynayaan dadka deegaanka gobolka Hawd.”

Hadalka ka soo baxay Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ayaa ku soo beegmaya wakhti la filayo inuu socdaal ku tago qaar ka mid ah gobolada dalka somaliya, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono bulsho beeshiisa ah oo goboladaasi deegaan ku ah.

war sugan