Booliska Soomaaliya Oo Qabtay Nin Lagu Tuhunsan Yahay In Uu Dil Iyo Kufsi Geystey Hooyo Uur Laheyd

0
280

Ciidammada Booliska ee dagmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa qabtay nin looga shakisan yahay in uu fal Kufsi iyo dil ka gaystay magaalada Caabud-Waaq.

Ninkan la qabtay oo magaciisa lagu sheegay Jaamac Maxamed Yuusuf ayaa loo haystaa dilka Allaha u naxariistee Ubax Maxamed Macalin Yaxye oo habeen hore lagu dilay dulleedka dagmada Caabudwaaq.

Meydka gabadhan oo lahayd uur saddex bilood ah ayaa laga soo helay dulleedka magaalada Cabudwaaq.

Taliyaha saldhigga Booliiska Caabudwaaq Dhamme Farxaan Xuseen Xasan ayaa sheegay inay qof ay gacanta kusoo dhigeen ay ku tuhunsan yihiin in ka dambeeyay dilka Ubax Maxamed Yaxye, isla markaana baadhitaan ay ku sameyn donaan.

Falalka kufsiga iyo dilka lagula kacayo haweenka ayaa ku soo badanaya deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya iyadoo hore falal kufsi iyo dil isugu jira ay uga dhaceen magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho, Gaalkacyo iyo qaar kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here