Booyadi Lagala Baxsaday Guddida Abaaraha Gobolka Saaxil oo La Soo Helay Iyo Degaanka Laga Soo Helay Iyo Ciidamada Booliska Ee Dedaalka Muujiyay Ee Gacanta Ku Soo Dhigay.

0
333

Booyadi Lagala Baxsaday Guddida Abaaraha Gobolka Saaxil oo La Soo Helay Iyo Degaanka Laga Soo Helay Iyo Ciidamada Booliska Ee Dedaalka Muujiyay Ee Gacanta Ku Soo Dhigay.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar ayaa sheegaya in ciidamada booliska gobolka Saraar ay gacanta kusoo dhigeen booyad loogu tala galay biyo dhaaminta iyo gurmadka dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada gobolka Saaxil oo habeen hore laga dhacay gudaha magaalada Berbera.

Booyadan oo iibkeeda ay iska kaashadeen maamulka gobolka Saaxil ,ka degmada Berbera iyo waliba maamulka dekeda Berbera ayaa habeen hore rag aan haybtooda ilaa hadda la garanyn ay ka dhaceen gudaha magaalada Berbera.

Waxaana booyada sida naloo sheegay ay ciidamadu ku qabteen deegaan u Dhaxeeya Ceelal iyo Bali Caraale Oo Katirsan Gobolka Saraar,waxaana goobta ka baxsaday darawalkii waday gaadhiga iyo nin kale oo la socday oo sida la sheegay hubaysnaa.

Waxaaana ay ciidamadu ay ku daba jiraan soo qabashada dadkan dhacay gaadhiga,waxaana ilaa hadda aan la garanayn sababta loo dhacay,waxaana gaadhiga dib loogu soo celiyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

 

 

1

undefined
2