Ciidamo Badan Oo Lagu Daadiyey Magaalooyinka Somaliland + Amniga Oo La Xoojiyay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
309

Saacadihii la soo dhaafay ciidammada Booliska Somaliland ayaa xoojiyay amniga qaar ka mid magaalooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa.

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamo dheeraad ah la dhigay magaalada Hargeysa, kuwaas oo ka bilaabay howl-gallo guud oo amniga lagu xaqiiijinayo.

Ciidamada Booliska ayaa baadhitaano kala duwan ku sameynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka, iyada oo sidoo kale ciidamadu ay su’aallo ay weydiinayaan dadka qaar.

Sidoo kale waxaa magaalooyinka ciidamada la dhigay oo ay howl-gallado ka socdaan ka mid ah Burco, Laascaanood iyo Boorama.

Booliska Somaliland oo wata gaadiidka ciidamada ayaa lagu arkayey waddooyinka waa weyn ee magaalooyinkaasi, iyaga oo wada dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya u jeedka ka dambeeya ciidamada lagu soo daadiyey magaalooyinkaasi, wuxuuna taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer G/S Maxamed Faarax u sheegay wariyeyaasha in howl-galladan lagaga hortegayo falalka amni darrada ah.

“Wax dhib ah oo nagu soo kordhay ma jiraan, laakiinse waa ka hortag waxyaabaha ay wadaan meelahaa jaarkeena ayay hawlo iyo wax ka jiraan dareen aanu qabno ayaanu u sii xoojineynaa,” ayuu yidhi taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here