Dadka qaar ayaa muuqaalkii ka hadlaayay Zaadka u fahmay tartan u dhexeeya WorldRemit iyo Telesom.
Wax ka yar 1% ayay WorldRemit u dirtaa Somaliland oo shaqada shirkaddu waxay u badantahay dunida kale. Lacagihii bisha horraanteeda la xannibay na, 7dii bishaba dib ayaa loo diray oo wax waliba sidii hore ayay ku soo noqdeen. Inkasta oo lacagihii xawaaladaha kale ee Zaadka lagu diri jirey weli dhibaato ka taagantahay.
Soddonkii sano ee aan xawaaladaha ku soo dhex jiray, mar aan shirkad lahaa iyo mar aanan lahaynba, waxaan had iyo goor ka hadli jiray halista dhaqaale iyo midda sumcadeed ee ay gaadhsiin karaan dalka haddii xawaaladaha waaweyni u shaqeeyaan si baalmarsan shuruucda ay dhigteen dalalka ay lacagaha ka soo diraan. UNDP markii aan joogay na shaqadaydu ba intaas ayay ahayd.
Xawaaladihii aan la taliyay waxa ka mid ahaa Qaran Express oo la bilaabay aniga oo UNDP u shaqeeya. Waxaan aasaasaha kula taliyey in aanu u shaqayn qaabkii qarsoodiga iyo dhuumaalaysiga ahaa ee keenay in ay xidhmaan xawaalado tiro badan oo ay Al-Barakaat ka mid ahayd. Nasiib darro, markii ba waxay bilowday in ay sharciga ka dhuumato oo xataa aasaasihii shirkadda la qariyo oo magaciisa laga reebo shirkadihii dibadda laga sameeyey. Haddana, qolyihii Zaadka ayaa damcay in ay Qaran wax isku darsadaan oo adeegyada la isku xidho iyada oo sii kacaysa. Kulamo aan maamulka Zaadka kula galay Hargeysa iyo Jabuuti waxaan uga digay oo u sheegay in aanay Qaran wax ku darsan maadaama baadhis ku socoto. Taladaa may qaadan oo waa tii la sameeyay “Qaran-Zaad” oo dhaawac weyn u geysatay sumcaddii Zaadka bilawgiiba.
Qaabkan la qarinayo xawaaladaha cidda maalgashatay iyo cidda dhab ahaan u maamusha ayaa keentay in shirkadda Al-Barakaat looga shakiyo wax aanay ku jirin, taasi oo keentay in albaabada loo laabo. Go’aanka xidhitaanka oo uu ku dhawaaqay madaxweynihii Maraykanka wakhtigaasi, waxay dhaawac weyn u geysatay xawaalad kasta oo is tidhaa Soomaalida lacag u dir. Bilawgii hore oo dhan, WorldRemit caqabadaha ugu waaweyn ee naga haystay in aanu Soomaalida lacag u dirnaa waxay ahayd raadkii ay ka tageen xawaaladihii xidhmay.
Xawaaladaha uu Ina Jimcaale dhawaan ku baahiyey waddamada dibadda ee ku xidhan Taaj-ku waa kuwo u shaqeeya habkaas qaldan. Waa qaab la qarinayo cidda lacagta masuulka ka ah iyo cidda leh ba, taas oo keenta in kolba magac ama shirkad cusub la sameeyo marka tii hore bangiyada laga xidho. Maadaama uu hadda Ina Jimcaale la wareegay ama gacanta ku hayo qaybaha ugu muhiimsan dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaalida na, haddii dhibaato timaaddo waxa dhici doona dhaqaale burbur ka baaxad weyn kii yimi markii Al-Barakaat saaxadda ka baxday.
Waxaan ku soo gunaanadayaa in aynu yeelanno indho dan guud wax ku eega oo aynaan ku koobnaan danta shakhsiga ah ee wakhtiga dhow. Aniga oo shaqo fiican ku haysta UNDP ayaan ka hor imi musuqmaasuqii ka dhacayay isla hay’addii aan u shaqaynayey oo weliba qaybna ka ahayd dhibaatada xawaaladaha. Maalintaas ayaan dantayda eegan lahaa oo aan mushaharkayga yar ilaashan lahaa haddii aan ahay qof dantiisa ka horraysiiya ta dadkiisa iyo dalkiisa