Dharkeyga ayaa iga qaalisan (Juxa)! W/Q: Maxamed Sharma’arke
Maalin ayaa la arkay Juxa oo tallaabo dheerayn awgeed suulasha dhulka ku qodaya, isla markaana fadalka goynaya. Waxaana uu u ekaa nin tegaya ballan muhiim ah oo loogu yeedhay. Dabadeed nin ay saaxiib ahaayeen ayaa Juxa weydiiyey: “Xageed u xawaaraynaysaa”. Juxa waxa uu ku jawaabay: “Waxa aan tegayaa duco aroos, waxaanan doonayaa in aan cuntada wax ka gaadho”. Dabadeed markii uu Juxa gaadhay halkii ay ka dhacaysay ducadii aroosku, raggii u yeedhay si fiican uma ay soo dhawayn, waayo waxa uu xidhnaa mariyo gaboobay oo jilcay, isla markaana calal noqday. Dabadeed ninkii adeegaha ahaa, ee arooska ka shaqaynayey ayaa Juxa ku yidhi: “Adigu ma tihid dadka sida gaarka ah loo qaabilayo, mana geli kartid qolalka ay fadhiisanayaan dadka sharafta lihi, balse waxaan kuu hayaa qol aad fadhiisato oo ay dadka sidaadan oo kale ahi cuntada ku cunayaan”. Dabadeed Juxa ayaa loo kaxeeyey dhinacii ay wax ku cunayeen dadka saboolka ahi. Kadib markii uu Juxa galay qolkii lagu cuntaynayey, ayaa uu arkay dad fara-badan oo meesha tuban iyo xeedho yar oo cunto ah oo dhex-taalla dadkii. Dabadeed Juxa ayaa naftiisa la faqay oo hoos iskula tallamay, waxaana uu naftiisa ku yidhi: “Cuntadu waa ay yartahay, si fiicanna looma karin oo waa ay dhadhan xuntahay, dadkuna waa ay badanyihiin, markaa waa in aan helaa dariiq kale oo aan maro, si aan ula fadhiisto dadka sida gaarka ah loo soo dhaweynayo, ee cuntada fiican lagu qaabilayo”.
Dabadeed Juxa oo sidii hore si ka deg-deg badan u tallaabaynaya ayaa ka soo baxay ducadii arooska, isaga oo u sii jeeda dhinaca gurigiisa, go’aan hoosana gaadhay. Muddo gaaban markii uu Juxa gurigiisa ku jiray, ayaa uu soo baxay isaga oo xidhan dharkiisa kuwii ugu bilicda fiicnaa, dabadeed waxa uu Juxa naftiisa ku yidhi: “Ma jirto immika waxa ii diidaya in aan la fadhiisto dadka sida gaarka ah loo qaabilayo ee sharafta leh”. Waxa kale oo uu Juxa naftiisa ku yidhi: “Waxa aan xafladda u kaxaysan doonaa dameerkan aan qurxiyey, waxaana hubaal ah in dadka martiqaadka fidiyey ay ii malayn doonaan mid ka mid ah dadka sharafta leh ee sida gaarka ah loo qaabilayo”. Dabadeed Juxa isaga oo dhar qurux badan xidhan, dameer la qurxiyeyna wata ayuu gaadhay xafladdii. Kadib markii ay dadkii martiqaadka sameeyey arkeen qaabka uu Juxa u soo diyaar-garoobay, ayaa ay si weyn u soo dhaweeyeen, waxaana ay ku yidhaahdeen: “Soo dhawoow mudane, xafladayada ayaad maamuustaye”. Dabadeed Juxa ayaa la fadhiisiyey halkii ugu maamuuska badnayd ee lagu soo dhawaynayey dadka xafladda arooska ka soo qayb-galay. Waxaana Juxa lagu yidhi: “Naga raalli-ahow mudane, hadii aanay xafladdayadan yari u qalmin karaamadaada iyo sharaftaada weyn”. Kadib, waxa ay dadkii xafladda ka shaqaynayey u baratameen sidii ay Juxa ugu keeni lahaayeen Cuntada ugu macaan iyo cabitaanka ugu qaalisan ee xafladda yaallay. Muddo kooban kadib, ayaa agagaarkii Juxa lagu soo wareejiyey cunto cayn walba leh iyo cabitaan fara-badan. Dabadeed inta uu Juxa cumaamad uu gashaanaa soo saaray, ayaa uu yidhi isagoo la hadlaya cumaamadiisa: “ Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Cun oo ka dhereg cumaamadyahay cuntadan iyo cabitaankan laguu keenay”. Hadana waxa uu soo saaray koofiyadiisii, waxaana uu ku yidhi: “Cun koofiyadyahay, adigaa ayaa weyni iyo karaamaba mutaystaye!”. Dadkii oo anfariirsan oo goorahanba la dheygagsanaa waxa uu Juxa samaynayo, ayaa weydiiyey: “Maxaad samaynaysaa Juxooy”. Dabadeed Juxa ayaa ku jawaabay: “Dharkayga ayaa xaq u leh cuntada in ay cunaan, waayo hadii aanan iyaga ku lebisnayn, ma aan soo fadhiisteen halkan!”
W/Q: Maxamed Sharma’arke
Sharmaake91@gmail.com