Dibed-bax Lagu Dalbanayo Lacagta Somaliland Oo Ka Dhacay Laascaanood, Markii Ganacsatadu Diideen Shilinka Soomaaliya

0
294

Dibed-bax Lagu Dalbanayo Lacagta Somaliland Oo Ka Dhacay Laascaanood,
Markii Ganacsatadu Diideen Shilinka Soomaaliya Bannaan-bax lagaga soo
horjeedo sicir bararka, ayaa Shalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee
xarunta gobolka Sool ee Somaliland. Banaan-baxa oo kulmiyey Dadweyne tiro
badan, ayaa waxay kaga cabanayeen Lacagta Shilin Soomaaliga ah oo
Ganacsatadu diideen inay qaataan, taasi oo sababtay Sicir-barar dhinaca
Maceeshadda ah, sidasi darteed ayaa Dadweynuhu u sameeyeen isku soo
baxan, si wax looga qabto, waxayna farriin u direen Xukuumadda Somaliland.
Qaar ka mid ah Haweenka Mudaharaadka ka qayb-qaatay oo Saxaafadda la
hadlay ayaa sheegay “Dadka ka keenaya magalada lacagta anaan lahayn ka imanaysa Mudug iyo Koonfurta Soomaaliya waa inay joojiyaan” ayay tidhi,
waxayna intaa ku dartay in loo baahan yahay in Xal deg-deg ah la keeno “Waa
in Xal deg-deg ah la keeno, Waayo? Dadka waxa jira qaar aan Zaad
lahayn..”ayay tidhi Haweenayda ka qayb-qaadatay Dibed-baxaasi. Haweenay
kale ayaa iyaduna tidhi “Sarrifleyaasha, Ganacsatada iyo Bakhaarleydu waa
inay Dadka hoos u eegaan. Waxa kale oo aanu doonaynaa in la naga joojiyo
Lacagta shilin Soomaaliga ah ee Boosaaso iyo Garoowe laga soo rarayo..”
Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo Saxaafadda la
hadlay ayaa sheegay in Dibed-baxa Laascaanood ka dhacay uu yahay kii ugu
wanaagsanaa, maaddaama oo Shacabku diiddan yihiin Lacagta Shilin
Soomaaliga oo sabab looga dhigayo Sicir-barar ka jira Laascaanood.
“Mudaharaadka Dadku waxay ku diidanaayeen Lacagta shilin Soomaaliga.
Dadka reer Laascaanood waxaanu u ballan-qaadaynaa inaanu lacagta
Somaliland keeni doono oo lagu isticmaali doono, Lacagta Somaliland baa
lagu beddeli doonaa lacagta Shilin Soomaaliga..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku
daray “Lacagta Boosaaso iyo Soomaaliya taalla la inoo soo rari maayo ee
waxa Somaliland dhexdeeda yaalla ayaa la idiin beddelayaa, markaa Nina
yaanu isku dayin inuu soo rarto wax meel kale yaalla.” Lacagta Shilin
Soomaaliga ah oo dhawaan Maamul-gobolleedka Puntland diiday in lagu
qaado Cashuurta Alaabooyinka lagala soo dego Dekedda Boosaaso islamarkaana hore u diideen inay qaataan Ganacsatada Puntland ayaa
Mudaharaaddo ka Laascaanood la mid ah ka kiciyey Puntland, ka dib markii
nolosha Shacabku cidhiidhi gashay, arrintaasi oo sida muuqata saamaysay
Gobolka Sool ee Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here