“Eritrea Way Ogolaatay Inay Ciidammadeeda Kala Baxdo Tigray…” Abiy Ahmed

0
378

Qoraal shalay oo Jimce ahayd kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in ciidamada Eritrea ee ku sugan ismaamulka Tigray ay halkaasi ka bixi doonaan.

Abiy Ahmed oo cadaadis xooggan kala kulmayey Beesha Caalamka ayaa booqasho deg deg ah Khamiistii ku tagay dalka Eritrea si uu kulan gaar ah ulla yeesho hogaamiyaha dalkaasi Isaias Afwerki.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayuu markii ugu horreysay qirtay Raysal wasaaraha Itoobiya in ciidamada Eritrea ay ku sugan yihiin gobalka Tigrayga oo ay ciidamadiisa iyo kuwa Eritrea duulaanka ku qaadeen dhammaadkii sannadkii hore.

Waxaanse weli la shaacin tiradda rasmiga ah ee ciidammada Eritrea ka jooga Tigray, iyadoo hay’adaha caalamiga ah iyo wadamada awooda kuleh Beesha Caalamka ku eedeeyeen ciidamadaasi ka amar qaata Isaias Afwerki inay xasuuq, kufsi iyo dhac ka wadaan magaalooyinka waaweyn ee ismaamulka Tigray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here