Farmaajo Oo Maanta Ku Waajahan Dalka Jabuuti Iyo Ujeedka Safarkiisa

0
363

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku waajahan yihiin Magaalada Jabuuti ee Caasimada dalka Jabuuti.

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti uu yahay mid mar kale Urur Gobolleedka IGAD ay ku bilaabeyso dadaalo iyo tallaabada xigta ee la doonayo in dib lagu soo celiyo xidhiidhkii go’ay Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Jabuuti kulan la qaadan doona Madaxweye Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Gobolka iyo qodobo kale oo qorsheysan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalin kahor gaadhay Guddiga IGAD u xil-saartay xaaladaha ka jira xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo kulan la qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Cusmaan.

IGAD ayaa guddi u saartay guddi qiimeyn xaalada xuduuda, kaddib markii ay dalbatay dowladda Soomaaliya, waxaana guddigan ay dib ugu celin doonaan xog ku saabsan wixii ay ku soo arkeen goobihii ay kormeerka ku tageen ee xuduudka iyo kulamada mas’uuliyiinta labada dal la soo yeesheen.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii December 2020 xidhiidhka u jartay dowladda Kenya, iyadoo albaabada la isugu dhufatay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, kaddib markii ay kala soo baxday dhammaan diblomaasiyiinteeda ku sugnaa, dowladda ayaa ku eedeysay inau faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here