Bashiir ayaa markii ugu dambeysay ee la arko wuxuu ku sugnaa goob lagu caweeyo oo ku taalla Miale, oo katirsan xaafadda Lavington ee Nairobi 13-kii May.
Booliska dalka Kenya ayaa Qolofka gaadhigiisa oo ahaa Range Rover oo la gubay ka helay deegaanka Kibiku ee degmada Kajiado.
Qareenada u doodaya ganacsadahan iyo qoyskiisa ayaa su’aalo ka keenay sababta lama filaanka ah ee gaadhiga loo gubay, waxayna booliska ka dalbadeen in baadhitaan adag la sameeyo.
Nuru Saciid oo katirsan garyaqaanada Bashiir ayaa sheegay in Bashiir maalintii la waayay uu qorsheynayay inuu la kulmo dad gaar ah si uu ula qaato kulan ganacsiga ku saabsan.
“Maadaama Bashiir uu yahay muwaadin Mareykan ah, waxaan sidoo kale warqad u qori doonnaa safaaradda Maraykanka ee Nairobi si ay u soo farageliyaan,” ayuu yidhi qareenkiisa.
Bashiir Maxamuud wuxuu ahaa qandaraasle gacanta ku hayay mashaariic dhowr ah oo dowladda Kenya ay ka waddo gudaha dalkeeda.
Waxaa hore sawir looga qaaday isaga oo ay wehliyaan mas’uuliyiin xilal sare ka haya dowladda oo ay ka mid yihiin madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.