Golaha Wasiirrada Oo Cadeeyey In Loo Diyaar Garoobo Doorashada iyo Difaaca Dalka.

0
71

WAR-SAXAAFADEED.

 

Golaha Wasiirrada Oo Cadeeyey In Loo Diyaar Garoobo Doorashada iyo Difaaca Dalka.

 

Fadhigii 130aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo qabsoomay maanta oo Arbaca ah taariikhduna tahay 10-07-2024, kana soo hor maray wakhtigiisi oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu naaqishay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Amniga, Doorashooyinka, Difaaca Qaranka, Caafimaadka, Diyaar garowga oddoroska miisaaniyadda 2025 iyo horumarinta Kalluumaysiga.

 

Ugu horrayn, Golaha Wasiirradu waxay war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeysteen wasiirka arrimaha Gudaha, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha uga warbixiyey amniga guud ee dalka iyo xaaladda nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

 

Sidoo kale, goluhu waxa uu warbiximo ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo golaha xog-warran ka siiyey arrimaha dhaqan dhaqaale iyo diyaar garowga odoroska miisaaniyadda 2025 ee dalka, Horumarinta Caafimaadka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo ku dheeraaday xaaladda xannuunada kala duwan ee ay ka mid ka tahay xummadda (Dengue fever) oo dalka ka jirtay muddooyinkii u danbeeyey, Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo golaha la wadaagay qorshaha kobcinta horumarinta Kalluumaysiga dalka oo ay baahi weyn u qabaan bulshada Somaliland iyo sidii suuqyo cusub loogu heli lahaa kalluunka dalka.

 

Dhinaca kale goluhu wuxuu caddeeyey in doorashada wakhtigeedii lagu qabanayo, dalkana si adag looga difaacayo kuwa  isu soo bahaysatay  inay waxyeelleeyaan Qarannimada Somaliland ee u soo hanjabaya ee colaaddu u cusub tahay, shacbiga Somaliland-na waajib ayey ku tahay inay sidaa ugu diyaar garoobaan doorashada iyo difaaca Qarankaba.

 

Ugu danbayntiina Golaha Wasiirrada waxa taariikhda markii u horaysay loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka Ciqaabta guud ee Jamhuuriyadda Somaliland ee uu yeelan doono dalku oo ay golaha keenneen Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Qaranka, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan.

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.