Ha soo xambarin dooda aqoonyahanka gaalada ee dib cusboonaysiinta Islaamka: Xasan Xuseen Cabdi (Xaydaro)
Waxa isa soo taraya qorshe dhagaraysan oo heer caalamiya oo mugdi lagu galinayo taariikhda iyo kutubta xadiiska ee u ugu horeeyo kitaabka Bukhaari. Qorshahani ma aha mid cusub waxa uu ahaa arrin mudo dheer soo jiray, oo ay bilaabeen Yuhuuda bilawgii taariikhda Islaamka iyaga oo sheekooyin been abuura soo dhex galin jiray warinta xadiiska, laakiin culimadii bud dhiga u ahayd aqoonta noloshii nabi Maxamed waxa ay u dhigeen shuruudo adag oo cida wax laga warinayo lagu baadhayo run sheegnimadiisa, xasuustiisa iyo in ay waa faqsan tahay mabaadiida quraanka, xadiiska uu warinayo iyo cida uu ka soo warinayo. Runtii aad bay u dadaaleen culimadii cilmiga xadiiska ururisay ee uu ugu horeeyo Bukhaari iyo Muslim in ay kutubta sunnaha Islaamka salka u dhigaan.
Dagaalka diinta Islaamka lagula jiraa waxa uu ahaa mid joogto ah, maanta waxa xoogaystay qorshe la doonayo in xadiiska mugdi lagu galiyo, waxa jira dad Soomaaliyeed oo diinta xoog u bartay oo la soo dhex marayo si khalkhal loo galiyo fahamka iyo raacsanaanta sunaha nabiga. Kow waxa ka ah dadka barnaamujka hor boodaya ninka indhaha adag ee la yidhaah Ibraahim Hawd oo ah nin diinta Islaamka aqoon fiican u leh, oo wajiyo faro badan ku shaqaysta, waa nin ku fiican mihnada qoraalka iyo abuurida sheeko xiiso le, waxa uu iska dhiga nin diinta nasteexo u ah, ugu horayn waxa u dhaleeceeya wadaadada somaliyeed, in aanay diinta Islaamka waxba ku darsan oo aanay fahamkooda iyo aragtidooda diinta ku faro farayn, waxa uu raaciya in ay iska raaceen culimada carabta, marka waxa uu u ololeeya in faham Islaam cusub la dhiso, ujeedadiisu waa in dood la galiyo Islaamka iyo mabaadiida uu ku dhisan yahay, waxa uu kala reebaa Quraanka iyo Xadiiska.
Fikradaha sumaysan ee uu soo naqliyo Hawd, ma aha qaar cusub oo uu ka fikiray isagu ee waa qaar qadiima oo ay bilaabeen wadaado Kiristaana iyo aqoonta loo yaqaano Orientalism /Oriental Studies oo ah lafo-gurka ilbaxnimada iyo dhaqanka ummadaha adduunka gaar ahaan taariikhda fahamka janjeedha ee aqoonyahanka reer galbeedku diinta Islaamka saro, Kooxdani waxa ay naqdiyaan run ahaanshaha fariinta Nabi Maxamed (CSW) gaar ahaan cilmiga xadiiska iyo silsida warintiisa, waxa ay si joogto ah u dajiyaan tabo lagu mugdi galinayo Islaamka, waxa ay adeegsadaan xirfad sare iyo dad diinta Islaamka aad u yaqaana ama Muslim sheegta oo ay dhagta u saaraan durida kutubta xadiiska, habraaca warintiisa iyo asxaabadii rasuulka sida Abu Hurayra oo ah shakhsi soo naqliyay aqoonta xadiiska qaybo badan oo ka mida, weerarka Abu Hurayra waa halka laga galayo naqdinta cilmiga xadiiska.
Dooda ugu badan ee lagu eedaynayo kutubta xadiiska casrigani, waxa weeye in ay abuurtay dad xag jira oo mitida oo doonaya in ay dib u soo celiyaan sharaftii Islaamka iyo dawladii ka dhaxayn jirtay, taas oo dad farobadan oo dunida ku nooli khatar u arkaan soo noqoshada quwadii Islaamku dunida ku lahaan jiray. Ujeedada kale waa in Kutubta sunaha dib u eegid lagu sameeyo, si looga saaro qaybaha ay u arkaan in ay Islaamka ku dhiirigaliyaan xaqa ay u leeyihiin in ay u madaxbanaanaadaan aragtidooda, maamulkooda iyo in ay ilaashadaan danahooda ummadeed, diinta Islaamkana kor u qaadaan
Yoolka Islaamka loo raadinayo in la cusboonaysiiyo waa in la furfuro asalka iyo mabaadiidisa, iyada oo layska dhigayo nasteex, in dhalinyarta loo tuso sababaha dib u dhacu in ay tahay ku dhagsanaanta diinta, iyo in la abuuro doodo ku qotoma kala jeclaysiga quraanka iyo sunnaha. Waxa isna meesha ku jira in la caayo culimada, culimada qaar badan oo ka midi ma aha qaar laga dufaaci karo dhaliilaha ay leeyihiin oo ay ugu horeeyaan kuwa galay siyaasada oo noqday qaar saaqiday. Waxa aan jecelahay in aynu Isla fahamno, wadaadka marka la naco, waxa ku xiga in la naco waxa uu xambaarsan yahay oo ah meesha loo socdo oo ah diinta, wadaadku dhaliil wuu yeelan karaa laakiin diinta Islaamku dib u eegis iyo dood dib loogu cusboonaysiinayo uma baahna.
Culimada Islaamku maba ay qarin dhaliisha iyo daciifnimada qaar ka mida axaadiista oo aan la daliishan karin, laakiin in kutubta xadiiska ah oo dhan daaqada laga tuuro ama dib u furfur lagu sameeyo yaan dood lagaga dhigin, dadka Somaaliyeed ee la soo dhex marayaa waa ay faro badan yihiin. Sida aynu nolosheena, duruufaheena dhaqaale iyo siyaasadeed u horumarin lahayn waa mid u taala kolba jiilka nool, arrin diin la xidhiidhana ma aha, imisa dal oo Afrikaana ayaa diinta kiristaanka haysta, maxay horumar u gaadhi waayeen. Waxa aan ku talin laha in dhalinyarta aqoonta lihi wakhtiga ka faa’iidaystaan oo ay diintooda bartaan, si ay u difaaci karaan weerarka wajiyada badan ee diinta lagu soo qaaday. Waxa aan xasuustay sheekadii, Dacowgii astaamihii culimada lagu yaqaanay soo xidhay ee wacdiyay shimbiraha ee ku yidhi dariiqa Alle ha lagu toosnaado, hana la is nabad galiyo, fariina Diiga iga gaadhsiiya oo waxa aad tidhaahdaan salaada inoo eedaan, Diigii markii fariinti gaadhay, waxa laga qoray kalmad caana oo uu yidhi waxa aan awoowyaday ka guntay,waa khaldamay ninkii mooda, in Dacow diin leeyahaw.
Xasan Xuseen Cabdi (Xaydaro)
hhmadaxyare@yahoo.com
+ 252 (0)634418302