HANKA HOGAAMINEED EE PROF AHMED ISMAIL SAMATER IYO HOOS KA QOSOLKA BULSHO WAYNTA REER SOMALILAND? “WADHAF IYO SHINBIRO WAR ISUMA HAYAAN”
Salfudaydka Somaliland hore ayey u eeday oo 1960 jibo iyo qiiro aan loo meeldayin ayey calankoodii la yaaciin oo koonfur iyo muqdisho ka taageen si bilaa shuruuda waase cashar aynu wax badan ka baranay, waa la oga wixii ay ka dhaxleen hantidoodii, naftoodii iyo naruuradii ay lahaayeenba dhulkaa lala simay oo la baabiiyey, midowgaa waxay kala kulmeen dhib iyo rafaad, qaxooti ayey noqdeen oo baradoodii iyo baydkoodiiba ka qaxeen waxaas oo balanbalana waxa ugu wacnaa ilduufkii ay sameeyeen sanadkii xornimada.
Madaxnimada ummadeed waa xil halis ah oo ay tahay qofka loo dhiibayo in aad loo soo tijaabiyo oo tudhaalahiisa iyo halka ay wadaninimadu ka taagan tahay la ogaado, Taasna waxaa ugu horreeya qofkaasi in uu lee yahay sooyaal cad oo dadka kale oo dhan lagaga dooran karo,
Laguna aamini karo in uu masuuliyadda umadaas hanan karo
Fudaydka iyo go’aanka caaddifadaysan waa la eedaa oo lagu hungoobaa. Maalinba muxubadu bulshada alle iga uumay nin bay ku boqraane, maantana halyeyga badbaadada iyo liibaantu waa Barafasoor Axmed Ismaaciil Samatar ayey ku hadaaqayaan hoos se umay dayin. Madaxweyne ha la ga dhigo ayaa meel walba ka yeedhaysa oo dadkaygii laga soo taagay (BAL AMUURTAN EEGA AMARKAN IYO YAABKAN) goormay lama huraan noqotay in waraabe adhi lagu aaminaa sowkuwii dab iyo gaas isku ahaa.
Prof Ahmed Ismail Samater waa aqoon yahan in badan jaamacadaha USA wax ka dhigi jiray in mudo ahna ku soo dhex jiray falanqaynta iyo wax ka qorista xaaladaha kala duwan ee Somalida qalinkiisu how badnaadee dalka Somalia, waa muwaadin reer Somaliland ah oo xuduntiisu waxay ku aasan tahay degmada Gabiley oo uu ku dhashay kuna barbaaray.
Waa aqoon yahan ku xeel dheer culuumta siyaasada iyo hogaaminta bulsho, naftiisa waa hore mariyey laakinse bulshada uu alle SWT ka uumay abaal badan uma hayso oo dibed meer ayuu noloshiisa ku soo qaatay, cilmigiisa Somalidu may munaafacaadsan oo saancadaalayaal ayuu ku habi jiray oo maskaxdiisa u tuujin jiray.
waqtigiisa intii ugu badnayd wuxuu ku soo qaaday aaminsanaanta mabda’a Somaliwayn, fagaarayaasha wuxuu cod dheer kaga sheegi jiray hadalo xafan iyo dhabarjab ku ah Qaranimada Somaliland.
xamar ayuu musharax ka noqday oo doorasho galay waa laha guulaystay oo 8 cod kaliya ayuu ka hela 275 xidhibaan oo goobta fadhiyey hada garoo waa dalkuu mudada badan hadh iyo habeenba difaacaayey oo dalkiisii iyo dadkiisiiba uga go’ay abaalkiisaase helay.
soo cadhood oo ciilka iyo marooradilaacii Somaliland soo miciin bid waa la soo dhaweeyey oo loogu lisay si aanu galabsan waase gob iyo caadadeed iyo waliba garasho ay reer Somaliland dadka kale dheeryihiin loomana kala hadhin madax iyo mijaba soo dhawayntiisii wafti ka kooban raxan wasiiro ah iyo aqoonyanao kale ayaa soodhawayntiisii loo xil saaray dadka wax muu dheerayn laakinse waxa la tusaayey wanaaga iyo sinaanta taala gayiga Somaliland iyo siday bulshadu u laabxaadh tahay saamaxaaduna ay caadadood tahay.
Mudo yar ayuu hada qaranimada Somaliland aaminsan yahay waa 3 sano hadaanay kaba yarayn laba jeer oo kaliya ayuu dalka miyi mudo koobana ku sugnaa, war iyo wacaal badan uma hayo waayaha kala duwan ee uu dalka iyo dadku ku sugan yihiin, waa socod barad siyaasadeed marka loo eego wadciga siyaasadeed ee Somaliland.
Dal yaqaan maaha oo qurbuu ku raagay dad yaqaana maaho oo lamuu soo dhaqmin waqti dheerna lamuu qaadan, lama hubo mabdi’iisa siyaasadeed ee dhabta ah iyo fikirka u qarsoon dalkana laguma aamini karo sanadada soo socda waayo shalay ayuunbay ahayd markuu fagaarayaasha kaga tasbiixsan jiray Somaliwayn Somaliland na sanka ka haystay oo raadkii Somaliland nacaybkiisa ayaa wali sii qoyan umadana waxay u baahan tahay hogaan la hubo oon qaranimada looga baqan.
Waydiimo badan oo maanka iyo maskaxda bulshada aragtida dheer ee reer Somaliland ka dhex guuxaaya ayaa jira oo prof Axmed horyaala waxaan ka mid ah:
1) 23 sano ayaad somaliland ku ahayd qodax si weyn ugu mudan, ee maxad ugu badalysaa oo lagu iloobi karaa?
2) hadii aad leedahay aqoonta aqoonsi lagu keeno ee aad masraxyada kaga baanto maxaa bulshawaynta caalamka uga dhaadhicin wayday gooni isutaaga Somaliland ?
3) waadigan madal kasta iyo goob kasta ka sheega in aanad lacag rabine, maxaa kuu diidan in aad soo dhex fadhiisato dadkaaga oo aad ka qayb qaadato kobcinta aqoonta dadkaaga iyo garaadka dhalinta reer JSL ?
4) Maxaa kaa lilaahiya ee aad umada ka bedeli kartaa adoo xasuusan waayahaagii hore ee Somaliland idin soo kala dhex maray?
Prof Axmed waxaanu leenahay cidi kaama xigto hogaanka dalka laakin soo kor oo soo barbaar soona gaadh stage lagu noqdo madaxa dalka ugu sareeya…
Haddaba prof Axmed Ismaaciil Samater haduu han madaxweynenimo leeyahay, horta dalka ha dego, sadexda xisbi qaran midkood ha galo, qofnimadiisa iyo kartidiisa siyaasadeed bulshada ha baro, waayaha dadkiisa hoos hawgu dago oo ha darso, isaga qudhiisuna khibrad siyaasadeed oo wadciga dalka ku salaysan ha korodhsado, hayaankaa iyo waqtigaa dheer haddii aanu awoodi karayn, ama u samri karayn, siyaasadda ha is ka daayo oo jaamacadaha wax ha ka dhigo, oo dadkiisa abaal taariikheed ha gashado si ay aqoon uga dhaxlaan.
Dadka kii wax tari kara
Iyo kii danayste ah
taariikhdu way qori
oo mahadhooyinkuu gali
Qalinkii: Mohamoud Ahmed Hirsi ( figo)
Email: mfigo04@gmail.com
Tell: 0634447924
Facebook: Mahamuud Ahmed