Inka Badan Boqol Askari Oo Itoobiya Ah Oo Magangalyo Weydiisatay Dowladda Sudan

0
337
  • Askartan oo ka soo jeeda qowmiyada Tigray ayaa waxay qayb ka ahaayeen hawlgalkii UN-ka ee dhowaan la xidhay ee Darfur.

 

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in askartan ay diideen inay dib ugu laabtaan Itoobiya iyagoo ka baqaya in la silciyo.

Waxa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo eedeymaha la xidhiidha xasuuqa loo gaystay intii lagu jiray dagaalkii lix biloodlaha ahaa ee ka dhacay Tigray.

Bishii Febraayo ee sannadkan aya sidoo kale Koofurta Suudaan koox kale oo nabad ilaaliyeyaal Itoobiyaan ah oo asal ahaan ka soo jeeda Tigray ay diideen inay dalkooda ku laabtaan iyagoo sheegay inay ka cabsi qabaan in la dhibaateeyo.

Waxaa jiray warbixino badan oo ku saabsan tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha intii lagu gudajiray dagaalka lix biloodlaha ah

Sabtidii madaxa kaniisada Orthodox ee Itoobiya – laftiisuna waa qoomiyadda Tigreega – wuxuu sheegay in dilkii ka dhacay gobolka Tigray lagu tilmaami karo xasuuq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here