“Jaamacada Admas Oo Ku Guulaysatay Tartan Looqabtay Jaamacadaha Kuyaala Gobolka Maroodi-jeex (Sawiro)”‏

0
448

“Jaamacada Admas Oo Ku Guulaysatay Tartan Looqabtay Jaamacadaha Kuyaala Gobolka Maroodi-jeex (Sawiro)”‏

Hargaysa( Warsugannews) Wasaarada ciyaaraha Somaliland ayaa tartan orodka ah  uqabatay jaamacadaha kuyaala gobolka Maroodi-jeex, tartankaasi oo la oradayay masaafo dhan saddex kiiloomitri.

Ujeedada tartankan looqabtay ayaa ahyd is dhex galka ardayda jaamacadaha kuyaala gobolka Maroodi-jeex, sida uu shabakada hadhwanaagnews usheegay Gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland Mustafe Cali ,isagoo intaasina raaciyay inay mustaqbalka balaadhindoonaan tartankan.

Waxaana tartankan ku guulaystay kaalinta koowaad jaamada Admas oo ardaydii kasoctay Jaamacada admas ay wacadaro kadhigaan guushiina halkaasi ku raacday.

Ugu dambayntiina Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada ,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland ayaa Jaamacadda Admas gudoonsiiyay Koobkii iyo waliba Bilad ku aadan Orodka.

Maamulka Macalimiinta iyo shaqaalaha Admas iyo waliba Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud waxay Hambalyo u diyarayaan Ardaydii ka socotay Jaamacadda Admas oo wacdaro ka muujiyay tartankaasi orodka ahaa ee loo dhigay jaamacadaha ku yaala gobolka maroodi-jeex.

 

admas 1 admas 2 admas 3 admas 4 admas 5