Japan Oo Hal Milyan Oo Doollar Ugu Deeqday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

0
326
Dowladda Japan ayaa maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ugu deeqday adduun lacageed oo gaadhaya hal Milyan oo dollar.

Lacagtan loogu deeqay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay in loogu tallo galay in wax lagaga qabto biyo-gelinta, Fayadhowrka magaalada Qabribayax iyo waliba ka hortaga daadadka magaalada Jigjiga.

“Waxaan ku faraxsan ahay inaan deeq dhan 1 million oo dollar oo wax lagaga qabanayo biyo-gelinta iyo fayadhowrka magaalada Qabribayax iyo ka hortaga daadadka magaalada Jigjiga ka helnay dawlada Japan. Hay’adaha UNHCR iyo International Labour Organization (ILO) ayaa fulinaya mashruucan, oo qayb ahaan wax ka taraya biyo-la’aanta baahsan ee ka jirta Qabribayax” ayaa lagu yidhi qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadiisa aay qorshaha ku darsatay in biyo gelin dhammeystiran u sameyso magaalooyinka kala ah Jigjiga, Qabribayax, Dhagaxbuur iyo Wardheer sanad- miisaaniyadeedka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here