Ergeyga dhowaan Maraykanka ay u magacabay Geeska Africa Jeffrey Feltman ayaa booqasho ku tegeya dhowaan wadamo ku yaal Geeska Africa.
Qoraal uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Blinken ayuu ku sheegey in Jeffrey Feltman uu booqan doono dalalka Masar, Eretria, Ethiopia iyo Sudan tan iyo 13-ka bishan May.
Ergeyga Gaarka ah ayaa la kulmi doona masuuliyiinta dowladaha waddamadan, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa saamileyda siyaasadeed ee dalalkan iyo kooxaha arrimaha bani’aadanimada ka shaqeeya.
Qoraalka uu soo saarey Xoghaye Blinken ayaa lagu sheegay in safarka Jeffrey Feltman ay hoosta ka xariiqeyso sida maamulka Mareykanka ay uga go’an tahay in ay hoggaamiyaan dadaallo diblomaasiyadeed oo wax lagaga qabanayo xasaradaha isku xidhan ee siyaasada, amniga iyo bani’aadanimada ee ka taagan Geeska Afrika, waxaana lagu xusay qoraalkaan in Ergeygan Gaarka ah uu xidhiidhin doono siyaasadda Mareykanka ee gobolka si loo gaadho yoolkaas.
Mareykanka ayaa ku cadaadinaayey Ethiopia in ay soo afjarto colaadda gobolka Tigray oo soctay mudo lix bilood ah, waxaa kale saraakiisha Mareykanka ugu baaqeen Eretria in ay ciidamadeeda kala baxdo gobolkaas.