Shirkadda wayn ee Mareykanka ee dawooyinka samaysa ee Johnson & Johnson ayaa waxa ay gobolka New York siinaysaa $230m si ay u xalliso sheegasho ku aaddan dhibaatada ka dhalatay qabatinka dawada xanuun baabi’iyaha ah ee ay samayso ee opioid
Shirkaddu ma aanay qirin inay wax khalad ah samaysay si ay xal ula gaarto gobolka.
Lacagtaas ay bixinaysana waxa ay meesha ka saaraysaa maxkamadayn bilaaban laheyd maalinta Talaadada ah halkaas oo la soo eedeeyay kooxo badan oo soo saara siina qaybiya kaniinkaasi dawadaasi opioid.
J&J waxa ay sheegtay xalka uu qeyb ka yahay heshiis hore oo lagu bixinayo $5bn si loo xalliyo sheegashada ku aaddan opioid.
Xalka ay shirkaddu la galayso Gobolka New York ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqayaa in J&J ay joojiso in gudaha dalka lagu iibiyo kaniinkaasi xanuun baabi’iyaha ah.
“Dawadan opioid ayaa waxa ay dhibaato wayn gaarsiisay bulshooyin aan tira lahayn oo ku nool gobolka New York iyo deegaannada kale ee dalka, iyadoo malaayiin qof ay qabatimeen dawadaas halista ah ee dilaaga ah,” Xeer ilaaliyaha guud ee New York Letitia James ayaa sidaasi sheegtay.
“Johnson & Johnson ayaa waxa ay gacan ka gaysatay sii hurinta arrintaasi, hasayeeshee maanta waxaa ka go’an inay isaga baxaan ganacsiga opioid – oo New York oo kaliya kuma ekaanayaane arrintaas dalka oo dhan ayey saamaynaysaa,” ayey intaasi ku dartay, iyadoo sheegtay in diiradda ay u saarnaan doonto “sidii sida ugu dhaqsiyaha badan dhaqaale loogu heli lahaa qoysaska ay dhibaatadu ka soo gaartay opioids-ka.”
Qabatinka dawadan Opioids ayaa dhanka sharciga iyo dawooyinka mamnuuca ah waxa ay u ahaayeen kuwo halis ah, dhibaato joogta ah oo ka taagan dalalka sida Mareykanka oo kale, taas oo ku dhawaad nus malyuun dhimasho ay ka dhasheen isticmaalka kuurooyin badan intii u dhaxaysay 1999 illaa 2019, sida ay sheegtay Hay’adda Mareykanka u qaabilsan xakamaynta iyo ka hortagga cudurrada.
Johnson & Johnson iyo shirkadaha ugu waa wayn ee dawooyinka qaybiya – AmerisourceBergen, Cardinal Health and McKesson – ayaa waxa ay soo jeediyeen inay bixiyaan $26bn si loo soo afjaro dacwado kumannaan gaaraya oo opioid looga soo horjeedo.