Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya oo waji kale yeeshay

0
274

Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in 20-ka Bishan Diiseembar uu shir ku qaban doono dalka Djibouti, balse faah-faahin dheeraad ah kama aysan bixin inkastoo Soomaaliya ay sheegtay in shirkaasi Jabuuti looga arrinsanayo xiriirka dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Soomaaliya ay warqad cabasho ah oo ka dhan ah Kenya u gudbisay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, ahna Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD. Soomaaliya ayaa dhawaan Kenya ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Bishii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda Kenya, halka safiirka Kenya ee Soomaaliyana lagu war galiyey inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo ka hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay Kenya ku eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.

Maxamed Axmed Nuur Tarsan, wuxuu safiirka Soomaaliya ee Kenya noqday dhammaadkii sannadkii 2018-kii.

Xidhiidhka  diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya sannadadii dambe sii xumaanayay iyadoo Somaaliya ay ku andacooneyso in Kenya ay faro gelin ba’an ku hayso arrimaha Soomaaliya taasi oo ay sheegtay iney su’aal gelineyso madaxbanaanida Soomaaliya.

Jibril Aw Maxamed oo arimaha Afrika ka dhiga Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in tallaabadan labaad ay Soomaaliya qaadday ay muujineyso in Kenya aysan waxba ka qaban cabashada Soomaaliya ee farogelinta Kenya ay ku hayso gudaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.

Marka la eego Xidhiidhka  caalamiga ah ma la dhihi karaa Soomaaliya waxay martay waddadii saxda ahayd?

Jibriil oo Su’aashaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in tallabada koobaad ay ahayd in labada dal ay ka wada xaalaan khilaafka u dhaxeeya oo ay soo celiyaan safiiradadooda halka tallaabada labaad ay ahayd in arrinta lagu xalliyo fadhi kaas ka ballaaran oo gobolka ah sida IGAD.

“Haddii kulanka IGAD wax looga qaban waayo cabashada ay Soomaaliya tabaneyso, waxaa Soomaaliya u furun in ay heerarka kale usii gudbiso sida Midowga Afrika iyo Qarmada Midobay.” ayuu yiri barafsoor Jibriil.

Halkuu ayuu ku dambeyn doontaa khilaafka Soomaaliya iyo Kenya?

Jibriil ayaa sheegay in dalalkaay is rixaan lakiin labadan dal ay daris yihiin ayna ka dhaxeeyaan dano badan iyadoo Soomaaliya iyo Kenyaba ay ku nool yihiin shacab u kala dhashay dalka.

“labada dal ma kala maarmi doonaan oo suurogal ma ahan iney kala go’aan, waxayna ila tahay in culeyska haatan jiro uu ka yimid Soomaaliya oo haatan dowladnimadeeda soo noqoneyso oo u adkeysan la’ farogelinta shisheeya gaar ahaan dalalka dariska la ah marka Kenya waxaa u dhadhami la in Soomaaliya ay tirahdo naga daaya farogelinta iyo dhibaatada.”

“Hase yeeshee ugu dambeyn arrintan xal ayaa laga gaari doonaa wayna heshiin doonaan Soomaaliya iyo Kenya laakin waxay mari doontaa waddo iyo geeddi socod arrintaasi lagu gaarayo xalkeeda.”

Dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ee November waxaa mar kale soo cusboonaaday xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya kaddib markii ay dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ku eedeysay dhiggeeda Kenya in aysan u qaddarineynin sida dal la siman oo kale.

Xurgufta labada waddan ee soo socotay waxay kasoo billaabatay murankii xadka badda ee sannadihii lasoo dhaafay cirka isku shareerayay, walina kiiskiisa uu hor yaallo maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda.

Laakiin arrimaha xiisadda hadda cusbooneysiiyay waxaa ka mid ah eedeynta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jeedisay Kenya inay taageerto maamulka Jubbaland, iyadoo la ogyahay in uu khilaaf siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay uu ka dhaxeeyo madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedkaas.

Qodobbada kale ee ku gadaaman xasaradda labada dal ee dariska ah waa in Soomaaliya ay xayirtay ganacsigii qaadka ee ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya, kaasoo xukuumadda Nairobi uu uga soo xaroon jiray dhaqaale xoog leh.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here