Xisbiga South African Communist Party SACP ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay go’aaminta qadiyada madax-banaanideeda. Isla markaana ay haysato sharciyad caalami ah iyo mid maxali ah oo ay ku heli karto aqoonsigeeda.
SACP oo soo xiganayey shir dabayaaqadii sanadkii 2020 uu marti geliyey xisbigoodu oo lagaga hadlayey dalabka qadiyada Madaxbanaanida Somaliland ee ah in ay noqoto dal madaxbannaan, ayaa warbixin sanadkeediisii 2020 oo uu saaray Isniintii todobaadkan ku sheegay in Xeerka caalamiga ee Qaab-dhismeedka Afrika xaq u siinayo Somaliland dal iskii u taagan oo ka madaxbannaan Soomaaliya oo uu ku tilmaamay Waddan fashilmay oo aan nidaam ahi ka jirin.
Xisbiga ayaa intaasi ku daray in Xeerka caalamiga ah ee Afrika uu si cad u qeexayo in xudduudihii Afrika ee gumaysigu ay yihiin kuwa kaliya ee la aqoonsan yahay. Isla markaana ay yihiin soohdimaha loo adeegsanayo xadadka waddamada qaarada.
Warbixin sannaddeedka Xisbiga oo aad u dheerayd, isla markaana lagaga hadlay dhibaatooyinka Caalamka, dhibaatada Xannuunka saf-marka ah ee Covid 19, dhaqaalaha Kuududsaday ee adduunka, mushkiladaha taranka Bulshada adduunka, Cimillada adduunka, doorka Maraykanka ee dunida , colaadaha Afrika iyo arrimo badan oo kale, ayaa qayb kamida oo uu qadiyada Somaliland ku soo qaaday Xisbigu waxa uu ku yidhi
“SACP ayaa dhowaan martigalisay shir looga hadlayo dalabka Somaliland ee ah inay noqoto dal madaxbanaan. Dalabkan oo salka ku haya taariikhdooda xilligii gumeysiga ee ahaa in Somaliland gooni ka ahayd Soomaaliya. Soomaaliya oo ahayd dal uu horey u gumeysan jiray Talyaanigu haddda waa dal fashilmay, halka Somaliland xasiloonideed iyo kobaca dhaqaalaheeduba dhisan yahay, isla markaana la soo waday in ka badan labaatan sano.
Waxa intaa dheer in dadka reer Somaliland ay rabitaankooda ku muujiyeen aftidii sanadkii 2001 oo ay doorteen inay dib ugu noqdaan meeqaamkii madax-bannaanida, iyada oo madaxbannaanida la waafajinayo Xeerka Qaab-dhismeedka Afrika ee ka hadlaya in xuduudaha gumaysiga sidoodii loo daayo, loona adeegsan doono in ay noqdaan soohdimaha kala qaybin doona waddamada.
Warbixinta SACP waxa lagu sheegay inuu Xisbigu sii wadi doono taageerida baaqa Somaliland ee kala tagga iyo inuu ku dhiiri geliyo dadka reer Koonfur Afrika inay gacan ka geystaan dhismaha iyo ganacsiga dalkaas.
Dhibaatooyinka Qaarada Afrika waxa ay warbixntu ka hadashay in colaado ka taagan yihiin dalal badan oo Afrika ah sida: Swaziland, Zimbabwe, Lesotho, DRC, Cameroon, Sudan iyo Mozambique. Sidoo kale Inqilaabkii ka dhacay
Mali ayaa warbixintu sheegtay in laga werwersan yahay. Colaadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacbiga ee Tigreega ayaa iyaduna warbixintu ku sheegtay in ay saameyn iyo culeys amni ku keeni karto xasiloonida gobolka Geeska Afrika. Iska horimaadka rabshadaha wata ee ka soo cusboonaaday dhulka loo yaqaano Spanish Saxaara ayey warbixintu ku tilmaamantay mid walaaciisa leh. Taasi oo lagu sheegay in ay ka turjumayso daandaansiga iyo isla weynida Maroco oo dhowaan dib loogu soo celiyey Midowga Afrika.