Koonfurta Suudaan ayaa ku dhawaaqday in ay wabiga Nile ka dhisayso biyo-xidheen koranto oo lamid ah kan Itoobiya ka dhisayso isla wabiga.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Koonfurta Suudaan Deng Dau Deng, ayaa sheegay in la dhammaystiray qorshaha biyo-xidheenka, sida dhererkiisa, xaddiga biyaha uu kaydin doono iyo tirada marwaxadaha la rakibayo, inkasta oo aanu faahfaahin dheeri ah ka bixin.
Dalalka Masar iyo Suudaan oo ah dalal haatan khilaaf kala dhaxeeyo Itoobiya oo ku saabsan biyo-xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam, ayaan wali wax jawaab ah ka bixin qorshaha Koonfurta Suudaan ay ku dhiseyso biyo-xidheenkan.