MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW Qaybtii 13aad

0
639

MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED
SCW-Daraasad koobaysa qorshe hawleedkii nabiga ee Maalinlaha ahaa
Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti Makkah
Hargeysa(Warsugannews)Cadceedu marka ay godkeeda sii gelayso
Marka salaada maqrib la eedaamo, nebigu SCW waxuu joogi jiray gurigiisa waqti kooban kadibna wuu soo bixi jiray si uu salaada u tujiyo. Waxuu soo geli jiray masaajidka isaga oo indhihiisu arkayaan asxaabta oo tiirarka masaajidka ku tukanaya labada rakcadood sunaha ah ee maqribka ka horeeya.Kuwaas oo uu isagu baray kuna dhiiri geliyay. Waxaanu odhan jiray: Tukada laba rakcadood maqribka ka hor. Arintaas waxuu ku celiyay saddex jeer, waxaanu ku daray mar afraad oo ka hadlay isaga oo leh: hadii aad rabtaan waxaad ka dhigaysaan laba rakcadood oo fudud, sababtuna waa eedaanka iyo aqiimka ayaa salaada maqrib aad isugu dhow.

Marka uu nebigu SCW soo galo masaajidka, Mu’adin Bilaal salaada ayuu aqiimi jiray, markaas ayuu hore ka bilaabi jiray tukashadeeda.Maqribka waxa la tukan jiray waqtigiisa oo ah fiidka waxaana la dhamayn jiray ka hor intaan cadceedu dhicin ee mugdiga habeenku daboolin dhulka. Waxaana la sheegay in maqribka qofka ka baxaa uu wax ku arkayay iftiinka maalinta ee sii dhamaanaya , sida hadii uu tuuro leeb uu arkayo meesha uu ku dhacayo.
Akhrinta quraanka ee salaada makhrib, nebigu SCW wuu soo koobi jiray isaga oo salaadana inta badan soo gaabin jiray. Marar wuu akhriyi jiray suurado dheer balse waxay ahayd waqtiyo faro ku tiris ah.mar waxuu akhriyay salaad makhrib suurada; Al acraaf mar kalena waxuu akhriyay suurada; Al-Dur. Saalada maqrib waxay ahayd salaadii nebiga ugu danbaysay noloshiisa ee uu asxaabta tujiyo, waxaanu akhriyay suurada; Al-Mursalaat.

Nebigu SCW wax khudbad ah ma geli jirin iyo hadal dheer midna salaada maqrib ka dib. Sababtuna waxa loo qaadan karaa, iyadoo dadku ay guryaha ku yara noqon jireen si ay u nastaan ama danahooda aduunyo isugu soo duba ridaan intaan habeenka madowgiisu dhulka daboolin iyo in ay cashadooda soo diyaarsadaan ama soo cunaan.Nebiguna markuu salaada maqrib dhameeyo gurigiisa ayuu tegi jiray oo laba rakcadood oo sunne ah ku tukan jiray. Markaas ayuu casho hadii ay taal cuni jiray maadaama xilligaasi ahaa waqtiga cashada la cuno. Waxaana la cashayn jiray salaada maqrib ka hor kaliya marka la sooman yahay.nebiguna waxuu yidhi: hadii Cuntada la soo dhigo iyadoo salaada la eedaamay, horaysiiya cunista cuntada intaydaan maqrib tukan, hana ka dhigina salaada mid ka horaysa cuntada.

Nebigu SCW waxuu asxaabtiisa ku dhiiri gelin jiray isagoo u sheegaya in dadka faqiirka ah ee aan wax ay cunaan haysan ay marti geliyaan oo u kaxeeyaan guryahooda.isaga laftiisuna waxuu sii kaxayn jiray 10 qof si ay ula wadaagaan hadii cuntada loo diyaariyay ay tahay mid badan. Marar ayaa dhacday uu gurigiisa tegay oo ka waayay wax la cuno,kaliya ay taalo timir iyo biyo. Maalmo ayaa soo mari jiray aan guryihiisa qofna haysan wax uu cuno. Maalin ayaa nin aad u diifaysan oo gaajo darani haysaa u yimi nebiga SCW, markaas ayuu wejigiisa ka arkay in gaajo daran iyo diif ay hayso. Ninkii ayaa muuqaal iyo hadal labadaba ku muujiyay isaga oo leh: rasuulkii ilaahayow gaajo daran ayaa I haysa. Nebiguna waxuu u cid diray xaasaskiisii mid ka mid ah bal inay hayaan wax cunto ah oo la cuno si ay u marti geliyaan ninkan martida ah. jawaabteediina waxay noqotay: Allaha kula soo diray kelmada xaqa ah ayaan ku dhaartee ma hayo waxaan ahayn biyo. Mid kale oo xaasaskiisa ka mid ah ayuu u cid diray, iyana sidii si la mid ayay ugu soo jawaabtay.Markaas ayuu dhamaantood u cid diray oo isku si u soo jawaabeen. Markaas ayuu asxaabtiisii waydiistay bal in mid ka mid ahi uu marti galiyo ninkan martida ah ee diifaysan caawa. Abu Dalxa Al Ansari ayaa yidhi: rasuulkii ilaahayow aniga ayaa marti galinaya markaas ayuu gurigiisii geeyay.

Nebiga cuntadiisa weelka ay ku jirto dhulka ayaa la dhigi jiray, weligiina miis dushiisa wax kuma dul cunin. Marka cuntada loo keenana waxuu odhan jiray: Bismilaah , markaas ayuu dhinaca soo xiga weelka cuntadu ku jirto ka cuni jiray mana dhaafin jirin farihiisa waxa soo xiga si uu wax uga cunoweelka dhinaciisa kale. Waxaanu wax ku cuni jiray saddex farood oo kalliya.Waxaanu baray asxaabtiisa in ay aanay dhexda ka bilaabin cunista sababtuna waa barakada ayaa ku degta markaa waxuu fari jiray in qof weliba dhinaca xigta ka cuno.

Nebi Muxamed SCW cuntadiisu may ahayn wax gaar u ah ama si gaar ah noocyo cunto gaar ah loogu diyaariee waxuu ahaa mid hadba waxii la helo wax ka cuna. Waxuu waydiin jiray xaasaskiisa hadba guriga uu joogo isaga oo leh: wax ma haysaan? Markaas ayay odhan jireen: may waxba ma hayno. Maalin ayuu ku yidhi maxaa haysaan?Markaasay tidhi: waxba ma hayno kaliya waxaanu haynaa khal. Waxuu yidhi: cuntada dhamaystiran khalku waa in roodhi ay la socotaa. Nebigu SCW cunta loo keenay weligiiwax xumaan ah ama uu dhibsado kama sheegin. Haduu cuntadaas jeclaado wuu cuni jiray hadii kalena wuu iska dhaafi jiray.

Cumar Ibnu Abu Salamah oo ay dhashay xaaskii nebiga ee umm Salamah kuna soo koray guriga nebiga, ayaa waxuu ahaa mid la cuna nebiga cuntada.Waxaanu ahaa xilligaas wiil yar.Markaas ayuu hadba gacantiisa meel geeyaa oo dhan kasta ka cunaa. Nebiga ayaa dareemay markaas ayuu ku yidhi: wiilyahow dheh bismilaah, kuna cun midigtaada kana cun dhanka ku soo xigta. Cumar ayaa yidhi: waxii maalintaas ka danbeeyay habkaas nebigu ii sheegay ayaan wax u cunaa.
Maalin ayaa nebiga la soo hordhigay weel uu ku jiro cunto (Tariid iyo hilib), waxuu ka qaatay garab oo ka mid ah hilibka adhiga wuu jeclaystay oo goostay. Markaas ayuu yidhi: maalinta qiyaamaha waxaan ahay midka hogaaminaya bini-aadamka oo dhan. Markaas ayuu markale goostay oo ku celiyay hadalkii hore balse qofna wax kama waydiin. Markaas ayuu yidhi: miyaydaan I waydiinayn sababta? Markaas ayay yidhaahdeen: sidee arinkaasi yahay rasuulkii ilaahayow? Waxuu yidhi: maalinta qiyaamaha ilaahay ayaa isugu soo ururinaya dadka oo dhan meel kalliya, si ay u maqlaan ka dhawaaqaya, indhahoodana wax ugu arkaan. Cadceeda ayaa loo soo dhowaynayaa madaxooda, markaas ayaa qof kastaa dareemayaa kulayl. Marka loo soo dhoweeyo way cabanayaan oo waxay la kulmayaan dhib.qaar ayaa odhanaya: miyaydaan dareemayn sida dhibku inoo taabtay?Maxaad uga fekeri waydeen cid ilaahay inooga shafeeco qaada? Qaar ayaa odhanaya ina keena aan Nebi aadam u tagnee ilaa aakhirka xadiiska

Markuu cuntadii dhameeyay, ayuu farihiisa muudsaday.asxaabtiisana waxuu faray in ay weelka faraha ku murdiyaan, isaga oo leh: ma garanaysaan qaybta cuntada ka mid ee la barakeeyay.markii cunistii la dhamaystayna waxuu mahadiyay Allaah, waxaanu yidhi: Mahad oo dhan idilkeed waxa iska leh Allaah ah kan na quudiyay ee na waraabiyay ilaa dhamaadka xadiiska

Nebigu markuu xaasaskiisa wax la cunayo waxay iswaydaarsan jireen sheekaysi la yaab leh oo kalgacal iyo jacaylba ka muuqdo. Caasha ayaa tidhi: rasuulka ilaahay wuu ii yeedhi jiray markaan dhiiga caadada leeyahay si aan wax ula cuno. Laf hilib leh ayuu soo qaadi jiray oo ku dhaaran jirayin aan wax ka cuno. Markaas ayaan wax ka goosan jiray oo iska dhigi jiray. Inta uu qaato ayuu wax ka cuni jiray, isagoo halkii aan afkayga saaray isna ka goosanaya hilibka. Markaas ayuu cabitaan na waydiin jiray, markaan u keeno ayuu ku dhaaran jiray in aan ka hor cabo. Markaan wax ka cabo ayaan iska dhigi jiray oo isna qaadan jiray isagoo afkiisa saaraya halkaan afkayga saaray.

Waxaa turjumay
Farxaan Aadan Haybe