Madaxwayne ha noqon baruur lagu laqanyoodo hana noqon jiidh lagu miigto ee noqo baruur iyo jiidh laysku goosto.
Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici manta waxay noqdaan hoggaanka shanta sanno ee soo socda haddii alle ina gaadhsiiyo dadkan iyo dalkan hoggaamin doona. Maxa xuma in ay bulsho hoggaaminayaane maxaa la gudboon ayey weydiintu tahay? Maxaase laga sugayaa?.
Wakhtigii olalaha doorashada waxay bulshada ugu sheegi jireen in ay wax badan qaban doonaan kuwaas oo horumarin ku sameyn doona cadaaladda iyo baahiyaha aas-aasiga ah ee bulshada, bulshaduna waxay ku dooratey waxay ahaayen barnaamij siyaasaddeedkoodii iyo ballantii ay bulshada hortaada ku qaadeen. Maanta waan hubaa oo wax badan oo ay ballan qaadeen way hilmaami bal se hadhowbaa lagala xisaabtami. Bulsho ahaan se waxa inala gudboon mar walba in ay ku garaacno oo ay xusuusino ballamihii waa waynaa ee ay inoo qaadeen fullintooda maaha oo qudha in aynu nidhaahno waxaynu yeelaney madaxwayne iyo ku xigeen. Bulshadu iyada ayaa hoggaamiyaheeda la xisaabtanta, Muusena waxaynu aamani karnaa oo u duceyn karnaa uun maalinta uu oofiyo wixii uu inoo ballan qaadey.
Xukuumaddu waxay meteshaa shacabkii oo dhan Muusena wuxuu manta metalayaa xukuumaddaha oo dhan waxana la gudboon in uu barto shacabkiisa. Tusaale ahaan geel-jiruhu wuu yaqaanaa geeliisa, siiba (hasha sumada leh, ee sanneegta leh, ee caweerta leh, dalabta leh, ee dhuugu cunay, ee xamastu uraacday, ee gelgelin la’aantu uraacday iyo taan la mayracin ba). Halka dameeralaydu yaqaaniin dameeruhu waxay ka hiinraagayaan, iyo waxay u hiin raagayaanba. Muusena manta waxa la gudboon in uu shacabkiisa kala barto; kan wax diidan iyo kan wax doonayaba.
Wakhtigii cod-bixinta waxa bulshada uu Muuse iyo ku xigeenkiisuba la soo hor istaagayeen bug u ku qornaa ballan qaadyo cidaas ka badan laba mid uunbay se noqon xukuumadda Muuse beri ama in ay dhahaan “mar haddaan ka wabax-saday midheen uma wadiiqeeyo”. Ama in ay ballanqaadkooda ku sargooyaan ficil fal galkiisa watta.
Maxay sugeynaa haddaba; waa in muwaadinku helaa xoriyad, cadaalad, sinaan, nabad, shaqo iyo nolol sareysa. Tusaale, in loo sinaado, sharcigii, mashaariicdii, aqoontii debedeed, shaqadii, siyaasadii iyo wixii la mid ah, taas ayaana keenaysa in horumar hor leh. Waxaynu u baahanahay in manta laynoo soo ibo furro; wax soo saar siiba, khayraadaka beriga, ka badda. Tusaale, xoolo, kalluun, beero, macaadin, udug, baadrool, gaas and iyo in aynu helno wershadihii habaynayay oo ku kacaya qiime yar.
Muusena waxaan kula talin lahaa maanta; Siyaasiyiinta iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan maanta intuba addiga ayey indhahooda ku soo eegayaan fadlan siyaasad xaraarad leh oo ka madhan qabyaalad iyo nin jeclaysi dhammaantood la dheel, hana noqon Muusow Liibaaxa ee noqo Sakaarada, Waayo libaaxu wuxuu u caraa hilib iyo cunto. Halka sakaaraddu u cararayso naftaada badbaadi. Ogaw, in u jeedadu ka balaadhan tahay baahida. Soomaaliland maanta uma baahna cid ugaadhsata ee waxay u ooman tahay nin haraadka ka biiya oo horaadka u dhiija oo wanaaga u heesa.
—
Mohmoud O Osmaan
Freelance journalist & Photographer
Hargeysa, Somaliland.
Email: mohoomer@gmail.com
Facebook: Mohmoud Osmaan
Mobile: +252634129326