Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland oo xilkii la wareegay

0
41

 Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland oo xilkii la wareegay.

 

Hargeysa-12-12-2024-(WMG)-Madaxweynaha cusub ee ay dhawaan doorteen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), iyo ku-xigeenkiisa, Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta xilkii si rasmi ah ula wareegay, waxana ay mareen dhaarta Dastuuriga ah.

 

Munaasibadda xil-wareejinta iyo dhaarinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka cusub oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada, ayey ka qaybgaleen shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxweynihii Saddexaad ee jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, xeer ilaaliyaha guud, Mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Madaxweynihii hore ee dalka Ethiopia, Danjireyaal ka socda waddamada Maraykanka, ingiriiska, Denmark, Turkey, Thaiwan Ethiopia iyo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida, madax-dhaqameed, siyaasiyiin  iyo marti-sharaf ka, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu sagootinayo madaxweynaha hore iyo ku-xigeenkiisa, laguna soo dhaweynayo madaxweynaha cusub iyo  ku-xigeenka la doortay.

 

Ugu horrayn safiirka dalka Maraykanka, Amb. Richard H. Riley oo ku hadlay Afka wufuudda dibadda ee dalka u timi ka qaybgalka xilwareejinta iyo caleemo saarka madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, ayaa bogaadiyey doorashooyinkii Dimuqraaddiga ahaa ee dhawaan dalka ka qabsoomay iyo sida quruxda badan ee labada madaxweyne xilka isugu wareejiyeen, waxana uu Somaliland ku ammaanay dawladnimada iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaatay.

 

Guddoomiye-yaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bogaadiyey Doorashooyinkii hufnaa hufnaa ee ay dalka ka hirgelisay xukuumaddii uu hoggaaminayey madaxweynaha maanta xilka wareejiyey, mudane Muuse Biixi Cabdi, waxana ay soo dhaweeyeen madaxweynaha cusub, iyaga oo bulshadana ugu baaqay in lala shaqeeyo.

 

Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka hadlay munaasibadda xilwareejinta, waxana uu shacabka ugu baaqay inay u midoobaan horumarka dalkooda iyo wada-jirkoodaba, isaga oo madaxda dalkana ugu baaqay inay ka dheeraadaan wax kasta oo bulshada dhexdeeda khilaaf ka dhalinaya.

 

Madaxweynaha xilka wareejiyey, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaysa halkaas ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha la doortay iyo ku-xigeenkiisa, waxana uu si qoto dheer u sharraxay waxqabadkii ay dalka ka hirgelisay xukuumaddii uu gadh-wadeenka ka ahaa.

 

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa munaasibadda ka jeediyey khudbad ballaadhan oo salka ku haysa qorshihiisa siyaasadeed ee ku saabsan midaynta bulshada iyo horumarinta dalka, qorshihiisa ku aaddan siyaasadda arrimaha dibadda iyo ka go’anaanshihiisa dhinaca hawlaha la xidhiidha sinnnaanta iyo caddaaladda bulshada dhexdeeda.

 

Ugu horrayn, madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu farriin u diray shacabka reer Somaliland, waxana uu ugu baaqay midnimo iyo inay gacmaha is wada qabsadaan, wada-jirna kaga gudbaan wax kasta oo horumarka qaranka caqabad ku ah, waxana uu yidhi, “Waxa aan shacbigeyga ugu baaqayaa midnimo iyo inaan gacmaha is qabsanno si aan u jeexno jidka wadajirka iyo walaaleynta dadka reer Somaliland si aan u xaqiijinno hirgelinta caddaalad, sinnaan, iyo horumar uu dalkeennu ku tanaado.”

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ka hadlay siyaasaddiisa la xidhiidha gobollada Bariga Somaliland oo meelo ka mid ah tabashooyin iyo shaqaaqo ka jirto, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu wada hadal iyo walaalnimo ku wajahayo, “Xukuumaddaydu waxa ay diyaar u tahay nabadeynta gobolada bariga Somaliland, inay dhigto gogol nabadeed oo aan wax shuruud ah ku xidhnayn iyo in wixii khilaafaad ah lagu dhammeeyo wada-hadal si loo helo xal nabdeed oo siyaasi ah, taasi waxa ay keeni doontaa nabad ku wada noolaansho, isu furanka dadka iyo ganacsiga iyo is-dhaafsiga maxaabiista. Walaalayaal, waxa ina mideeya ayaa ka badan, waxa ina qeybiya.” Ayuu yidhi madaxweyne Cirro.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq