Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey deegaannada Dacar-budhuq, Abdaal iyo tuulooyinka ku hareeraysan.

0
24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey deegaannada Dacar-budhuq, Abdaal iyo tuulooyinka ku hareeraysan.

 

Dacar-budhuq-11-08-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu ambo baxay gobollada Bariga, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Dacar-budhuq iyo Abdaal oo ka kala tirsan degmooyinka Laasgeel iyo Mandheera oo kala tirsan gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil iyo magaalooyinka kale ee dhinacyada kaga teedsan.

 

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee la socda waxa deegaannadan ku qaabilay xubno kamid ah golaha wasiirrada, maamulka degmooyinkan, xildhibaanno, cuqaal iyo dadweyne tiro badan oo ku lebbisan astaanka calanka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana muujinaya taageerada luxdan ee ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.

 

Madaxweynaha ayaa kelmdo kooban oo soo dhaweyn ah u jeediyey dadweynihii kusoo dhaweeyey magaalooyinka Dacar-budhuq iyo Abdaal, waxana uu uga  mahadnaqay sida diirran ee ay usoo dhaweeyey.