Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku sugan Magaalada BERBERA ayaa Salaadii jimcaha la tukaday shacbiga.
Madaxweynaha oo Maalintii lixaad ay ka soo wareegtay Safarkii uu ku marayey gobolada Dalka qaar ka mida, habeenkii xalay ahaana ku soo hayday magaalada Berbera ayaa maanta oo jimce ah waxa uu la tukaday shacbiga ku dhaqan magaalo xeebeedka berbera.
Markii uu madaxweynuhu salaada ka soo baxay ayey shacbiga ku dhaqan magaaladu isugu soo baxeen wadooyinka iyo masjidka hortiisa iyagoo madaxweynaha si diiran oo kal iyo laaba ugu soo dhawayneen gacmo furan iyo sacab.