Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo dhambaal tacsi ah u diray shacbiga Somaliland iyo Qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore ee Qaranka Marxuum Xasan Axmed Aadan

0
17

TACSI MADAXWEYNE: 01/10/2024.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka, shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore ee Qaranka Marxuum Xasan Axmed Aadan oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska maanta oo ay taariikhdu tahay 01/10/2024.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey muwaadin sharci yaqaana ah, hawlkarna ah oo Qarankiisa u soo shaqeeyey muddo dheer kana baxay dalka iyo dadka, isla markaana door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey, nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, isagoo muddo dheerna ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.