Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey madaxweynihii Afraad ee Somaliland.

0
72

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey madaxweynihii Afraad ee Somaliland.

 

Hargeysa-18-11-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas Qaran oo xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey madaxweynihii Afraad ee Somaliland, marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhawaan geeriyooday.

 

Aaska Qaran ee loo sameeyey madaxweyne hore waxa ka qaybgalay shirguddoonka goleyaasha wakiillada iyo guurtida, xildhibaanno, wasiirro, wufuud ka socotay dalalka deriska, madaxda axsaabta qaranka, siyaasiyiin, haldoor, culimo iyo dadweyne aad u tiro badan oo isaga kala yimi daafaha dunida iyo dalka gudihiisa, iyada oo halkaas laga jeediyey hadallo loogu ducaynayo marxuumka, laguna sharraxayo sifooyinkii wanaagsanaa ee uu lahaa iyo waxqabadkii ballaadhnaa ee dalka ka hirgeliyey muddadii uu hoggaaminayey.

 

Madax kala duwan oo halkaas ka hadashay, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum Axmed Siilaanyo, waxana ka marag kaceen dedaalkii iyo naf-hurkii uu horumarka dalkiisa ka geystay muddadii hoggaanka dalka iyo midkii halgankaba kasoo geystay.

 

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dawladda Federal-ka Ethiopia, Mudane Aadan Faarax, xubinna uu ka yahay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa ka qabgalay Aaska qaran ee madaxweyne hore marxuum Axmed Siilaanyo, waxana ay ku sifeeyey siyaasi iyo cabqari weyn oo geeska Afrika ka baxay.

 

Madaxweynihii Afraad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kamid ahaa tiirarkii ugu waaweynaa ee hoggaaminayey halgankii qadhaadhaa ee dib-u-xoraynta, waxana uu muddo ka badan Toddoba sannadood ahaa madaxweynaha qaranka, isaga oo fuliyey waxqabad ballaadhan oo gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo kamid ah waxyaabaha ugu mudan taariikhdiisa muddadaas uu dalka hoggaaminayey.

Wa-bilaahi Tawfiiq