Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Dhaawicii Dacawalay
Hargeysa-28-12-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa galabta Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ku booqdey dadkii shacabka ahaa ee dhawaan ku dhawaacmey dagaalkii ku dhacay deeganka DACAWALAY.
Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dadka dhaawaca ah ayaa Alle uga baryey inuu caafimaad Sareecana siiyo una Boogo dhacayo.