Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Ku Saabsan U Diyaar Garowga Doorashooyinka La Qaatay Taliyayaasha Ciidamada Dalka, Hoggaannada iyo Saraakiisha

0
90

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Ku Saabsan U Diyaar Garowga Doorashooyinka La Qaatay Taliyayaasha Ciidamada Dalka, Hoggaannada iyo Saraakiisha.

 

Hargeysa-05-11-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee Ciidamada Qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan  oo ku saabsan u diyaar garowga doorashooyinka inagu soo foolka leh la qaatay taliyeyaasha ciidamada dalka iyo hoggaannada waaxaha kala duwan ee ciidamadu ku kooban yihiin.

 

Ugu horrayn, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xarunta Miiska saraakiisha ku qaabilay taliyaha ciidanka Militeriga, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxana uu halkaas salaan kaga qaatay qaar kamid ah ciidamada Qaranka oo goobta diyaar ku ahaa, isaga oo intaas kaddib shir Albaabadu u xidhan yihiin la qaatay taliyayaasha ciidamada iyo hoggaannada kala duwan.

 

Hoggaannada hawlgelinta ee ciidamada Militeriga ahna Afhayeenka guud ee ciidanka Qaranka iyo Booliska, sarreeye guuto Cabdi Cabdilaahi Xasan (Cabdi-dheere) iyo sarreeye guuto Ibraahim Cabdi Xaaji Maxamuud oo halkaas ka hadlay, ayaa Madaxweynaha faahfaahin buuxda ka siiyey sida ay ciidan ahaan ugu diyaar garoobeen difaaca dalka iyo ilaalinta amniga iyo habsami u socodka doorashooyinka, islamarkaana goob kasta oo doorasho loo qoondeeyeyba ay u diyaar yihiin ciidankii ka hawlgeli lahaa maalinta ay doorashadu dhacayso ilaa iyo inta sanaaduuqda doorashada xarumaha komishanka si nabadgelyo ah loogu soo xaraynayo.

 

Taliyaha ciidanka Booliska, sarreeyo gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa caddeeyey in dhammaanba goobaha sannaadiiqda codaynta loo diyaariyey ay u qoondeeyeen ciidamadii amnigooda ilaalin lahaa, islamarkaana keyd ciidan oo wixii soo kordha ka hawlgeli kara diyaariyeen, iyaga oo wacyigelin buuxda oo ilaalinta habsami u socodka doorashada iyo gudashada waajiboodkoodaba siiyeen ciidanka, ciidan ahaanna ay dhexdhexaad ka yihiin doorashada.

 

Taliyaha ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa dhankiisa sheegay wixii ciidan ah ee ilaalinta goobaha codaynta iyo midda guud ee difaaca dalka ah diyaariyeen, kuna kalsoon yihiin inay hawshaas kasoo dhalaali karaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn bogaadiyey sida hufan ee ciidamada kala duwan ee dalku isugu diyaariyeen qabsoomidda doorashooyinka iyo gudashada waajibka culus ee saaran.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay in maalinta doorashada cidda hagista iyo maamulka doorashada lehi ay tahay Komishanka doorashooyinka, islamarkaana iyaga si gaar ah ciidamadu ula shaqayn doonaan, waxana uu yidhi, “Ciidamow maalinta doorashada, qolada komishanka doorashooyinka, ayaa laga amar qaadanayaa, iyagaana sida ay inoo tilmaamaan hawsha loo fulinayaa, ciidamada waxa laga rabaa inay hawsha guddiga Doorashooyinku wadaan ku dul ilaaliyaan, hawlihiinnii caadiga ahaa ee difaaca dalka iyo amniga gudahana aad haysaan.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay ujeeddada laga rabo doorashada iyo sida ay waajib u tahay inay noqoto mid bulshada midaysa oo ururisa, “Waxaynu u baahannahay in loo midoobo difaaca qaranka iyo doorashooyinka, doorashadana waxaynu ka rabnaa inay qaranka wax usoo kordhiso, dadkuna isku jeclaadaan oo aanay isku nicin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wa-bilaahi Tawfiiq