Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaabiley Safiirka Dawladda Denmark

0
6

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaabiley Safiirka Dawladda Denmark

 

Hargeysa-22-10-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka Dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen.

 

Waxaana kulanka lagu lafo-guray xoojinta xidhiidhka dawladda Denmark iyo Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale waxa laga wada hadlay mashaariicda horumarinta bulshada ee ay iska kaashadaan labada dhinac iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Geeska Afrika.

 

Waxaana Madaxweynaha Qaranka Somaliland kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Ciise Keyd Maxamuud.

 

Dhinaca Weftigana waxa safiirka ku wehelinaayey Madaxa xafiiska Denmark ee Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Mathias Kjaer.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.