Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ballaadhan oo ka sacda Dawladda Faransiiska

0
22

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ballaadhan oo ka sacda Dawladda Faransiiska.

 

Hargeysa-30-09-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo Safiirka Faransiiska u fadhiya Dalka Kenya, Amb. Arnaud Suquet.

 

Waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Faransiiska, sidoo kale waxa lagu lafo-guray kulanka taageerada Dawladda Faransiiska ee mashaariicda dhinacyada horumarinta Caafimaadka, ilaalinta Goobaha Taariikhiga ah, Dhaqanka iyo horumarinta Xoolaha.

 

Sidoo kale, waxa kulanka  lagu gorfeeyey  arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Gobolka Geeska Afrika, waxa aanay Jamhuuriyadda Somaliland u caddaysay inay diyaar u tahay inay deriskeeda kula noolaato horumar iyo wax wada-qabsi.

 

Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Qarshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)  Ergeyga Gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan wada-hadalada Marwo Adna Aadan Ismaaciil iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u Fadhiya dalka Faransiiska Amb. Cabdiraxmaan Yaasiin.

 

Dhinaca Weftigana waxa safiirka ku wehelinaayey Mathieu BRUCHON, oo ah Madaxa adeegga dhaqaalaha gobolka ee Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya, Lucile Carrez, oo isna ah La-taliyaha dhanka Siyaasadda ee Safaaradda Faransiiska iyo Mohamed Sahardiid Raage oo ah la taliyaha arrimaha ganacsiga.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.