Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo shacabka kala qaybgalay tukashada Salaadda ciidal Adxada.

0
30

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo shacabka kala qaybgalay tukashada Salaadda ciidal Adxada.

 

Hargeysa-16-06-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal Adxaha.

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, Maayarka Caasimada, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka iyo saraakiil katirsan dawladda, ayaa shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, waxana uu shacabka u jeediyey khudbad, ayaa guud ahaan  bulshada islaamka iyo gaar ahaan bulshada reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda farxadda Ciidda, waxana uu Eebbe uga rajeeyey inuu ciiddan ciiddeeda ku gaadhsiiyo Barwaaqo iyo nabadqab.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu guud ahaan ummadda Islaamka Ilaahay uga baryey inuu haybaddii iyo karaamadii uu lahaa dib ugu soo celiyo, isaga oo reer Somaliland-na u rajeeyey inay helaan xuquuqdooda ay ku raadinayaan qarannimo buuxda oo ay dunida ka helaan.

 

Salaadda kaddib, waxa uu madaxweynaha qaranku qasriga madaxtooyada ku qaabilay boqollaal kamid ah qaybaha kala duwan ee  bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo salaan ugu yimi, kuwaas oo uu ku qaabilay farxad iyo rayn rayn.

Wa-bilaahi Tawfiiq