Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Cusub Ee Dalka Itoobiya U Fadhiyi Doona Jamhuuriyadda Somaliland.

0
28

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Cusub Ee Dalka Itoobiya U Fadhiyi Doona Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Hargeysa-29-08-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiyi doona Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito ee dhawaan la soo magacaabay.

 

Safiirka ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland u soo gaadhsiiyey  salaan diiran oo uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiye Ahmed Ali. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhaweeyey Safiirka cusub, waxaanu u rajeeyey in Alle ku asturo xilka iyo masuuliyadda loo soo magacaabay.

 

Sidoo kale waxa shirka lagaga wada hadlay arrimaha amniga Gobolka Geeska Africa, adkaynta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga mustaqbalka labada dal iyo shacabkaba.

ALLAA MAHA DLEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.