Madaxweynaha Puntland oo madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir

0
349

Madaxweynaha Puntland oo madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir ay uga arrinsanayaan xaaladda dalka uu haatan marayo.

Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay inay tahay in madaxdu ay arrinta doorashada wax iska yiraahdaan, mucaaradkana wixii halkaas ka soo baxa ay la qaataan.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa waxa uu imanayaa xilli aanan weli la fulin heshiiskii madaxda Soomaaliya ay Muqdisho ku gaareen 17-kii bishii Sibteembar ee sanadkii tegay.

Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, ayaa falanqaynaya hadalka madaxweynaha Puntland?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here