Saciid Deni oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in aanu ka war hayn shirka ay beesha caalamku sheegtay inuu bilaabanayo maalinta berri ah, islamarkaana aanay jirin cid kala hadashay arrinta shirkaas, sida uu sheegay.
“Waxaan halkaan nimid kadib markii aan marti-qaad ka helnay beesha caalamka, gaar ahaan James Swan iyo Yamamoto oo aad baryahaan ugu howshanaa sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda Federaalka, waxaan mudadii aan joognay wada-hadal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku mideysan Midowga Murashaxiinta,” ayuu yidhi.
Deni ayaa carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in marka hore xal laga gaadho arrinta ciidamada oo uu sheegay inay si gaar ah u isticmaalan madaxda u sarreysa ee dowladda federaalka ee waqtigooda dhammaaday, ka hor inta aan la aadin heshiis doorasho.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xalay dowladda waqtigeedu dhammaaday ay ciidamo hor leh kusoo daabusahy garoonka Aadan Cadde oo uu degan yahay, midaasi oo uu ku tilmaamay inay arrintaas lamid tahay weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore xilli ay ku sugnaayeen hutel Ma’ido.
“Maxaa shir laga qeyb-galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuumtay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay lamid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da,” ayuu yidhi.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey “Muddadii aan joognay (magaalada Muqdisho) dhinaca xukuumadda ma jirin cid nagala hadashay ma jirin, waxayna u muujineysa in ayna diyaar u ahayn imaansheheena.”
Hadalka Deni ayaa kusoo aadaya xili ay maanta beesha caalamka shaacisay in maalinta berri ah uu furmayo shirka doorashada ee madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, ayada oo sidoo kalena uu Mareykanka ku amray madaxda dowlad goboleedyada inaysan ka bixin magaalada Muqdisho ilaa heshiis laga gaarayo doorashada.