Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu maanta xaflada Qalinjebinta 75 Arday oo wax ka bartay Jaamacada Hargeysa gaar ahaan qaybta Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Diblamaasiyada “Master Degree In International relations and Diplomacy”.
Xafladan ayaa ahayd mid aad loo soo agaasimay kana soo qaybgaleen Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye Musharax Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaaji Cali Shire iyo Masuuliyiin tiro badan oo kale.