Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Habeenkii Xalay ahaa la kulmay Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ay isaga iyo weftigii uu hogaaminaayey kala qaybgaleen xuska sanad guurada 25aad ee la soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland, isagoo madaxweynuhu khudbad ka jeediyey halkaas