Miyay iska soo horjeedaan Diinta Islaamka iyo xuquuqda Aadamuhu? Maxamuud Jaamaac Axmed

0
507

Miyay iska soo horjeedaan Diinta Islaamka iyo xuquuqda Aadamuhu?
Maxamuud Jaamaac Axmed

Xuquuqda aadamuhu waa xuquuqda qofka ugu sugnaata dadnimadiisa ooqudha, taasooaan loo eegayn qolodiisa, diintiisa, afkiisa, noociisa…iwm.

Diinta islaamkana waa diin sida magaceedu ka muuqda xambaarsan macnaha nabadgalyada, Rabiga soo dajiyayna mid ka mid ah magacyadiisa ugu muhiimsan waa naxariis badane, isagaana sheegay inuu biniaadamka karaameeyay oo uu gacantiisana ku abuuray oo uu walibana faray dhamaan malaa’ikta inay u sujuudo, iyadoo shaydaanka lagu eryay kaliya diidmada uu diiday xuquuqda iyo karaamaynta uu Ilaahay (SWT) siiyay bini aadamka.

Halkaasi waxa ka cad in nuxur ahaan ay is waafaqsan yihiin diinta Islaamku iyo mabaadiida xuquuqda Aadamaha ee ay reer galbeedku ku baaqayaan, laakiin waxa laga yaabaa in qaabka iyo eray bixinada qaarkood ay is-khilaafaan.
Diinta Islaamku way ilaalisay xaqa nolosha ee qofka diinta uu doono ha ka soo jeedo, iyo xaqa xoriyada hadalka, iyo xaqa dhaq-dhaqaaqa iyo is-abaabulka..iwm.

Waxaan aaminsanahay in haddii aynu nidhaahno diinta Islaamku iyo xuquuqda aadamuhu way is-khilaafsan yihiin, taasina ay sawir aan fiicnayn ka bixinayso diinteena suuban oo iyadu ah astaanta karaamaynta iyo xaq-dhawrida bini aadamka.
Fiicnaantu iyo wanaagu diin iyo qolo ma laha, laakiin waa wax dadka oo dhan ka dhaxeeya, sidaa awgeed lama odhan karo cilmiga dhakhtarnimadu waa mid reer galbeed leeyahay, maadaama cidii ugu horaysay ee horumarisay ay ahaayeen reer galbeed, oo cida muslimka ah ee dhigata cilmiga dhakhtarnimada ay noqonaayo qof dhigtay cilmi gaalnimo.

Doodaasi kor ku xusan ee ku saabsan cilmiga dhakhtarnimada waxa cad in caqliga saliimka ahi diidaayo, sidaa awgeed amuuraha fiican iyo wanaaggu ma laha abtirsiimo, balse cid kasta oo arrimahaasi aaminsan way u nisba sheegan kartaa.
Sidaa awgeed xuquuqda aadamuhu maaha arrin reer galbeed ama reer bari leeyahay balse waa mabaadii cida doontaa ay aamini karto.

Sidoo kale uma arko inay tahay arrin saxan haddii aynu nidhaahno (xita haddii xuquuqda aadamuhu ay yihiin kuwo fiican, waa mid diinteena Islaamku inoo sheegtay, oo taa diinta Islaamku inoo sheegtay ayaa inagu filan),taasi uma arko dood hufan, sababtoo ah haddii uu qofku si dhab ah u taageersan yahay arrin, maaha inuu isla arrintaasi u diido isagoo qiil ka dhiganaaya (hebel ayey kasoo yeedhay).

Ugu dambayntii aynu ku dadaalno in aynu ka wada shaqayno xoojinta xuquuqda dadkeena dhinacyada kala duwan ee nolosha, markaas ayeynu sawir qurux badan kabixinaynaa diinteena iyo dalkeenaba.