MAXAMED X. IBRAAAHIN CIGAAL
Qormadii 3aad
MUCJISADA TIRADA 9 SAAMAYNTII M/WEYNE CIGAAL IYO YAABKA BISHA MAY
QALINKII CALI-MAHAD YUUSUF
Qormadii hore waxay inoo maraysay sidii xaalku ahaa 6.5.2002 iyo madashii uu ka socday Aaska AHN M/weynuhu, Subaxnimadaasi oo dhiilada iyo baroortu gees walba ka muuqaday, sawir murugaysan oo aan indhaha la siin karina lahaa.
Balse dhacdooyinka Xabaasha dusheeda ka dhacay waxay ahaayeen arimo lagu tilmaamo karo Mucjiso.
Rag maalintaa ka hor aan indhaha isa siin jirin ereyga dhexmaraana inta hadalka ugu xun ahaa. Ayaa sidii ehel iyo walaalo mudo kala baaday salaan laabta is geliyey oo mid walba ilmadii ka dareertay kii kale dhabarkiisa qoysay.
Tiraabta kasoo yeedhayna noqotay Samir iyo iimaan. Waxaana muuqday sawir meesha ka saaray Wer-werkii shacabka Somaliland ka qabeen Halis amni oo ka dhalata muranka siyaasada ee xiliyadaa taagnaa.
Inkastoo saxaafada Somaliland ee waayahaasi jirtay ay aad u koobnayd. waxayse si fiican u baahisay wixii xog iyo macluumaad laga hayey Sooyaalkii Taariikheed ee AHN Marxuum Cigaal iyo kaalintii uu ku lahaa Horumarkii ka hirgalay Somaliland. Iyo jawigii ayaantaas
Balse xukuumada Somaliland waxay ka gaabisay inay la xidhiidhaan Warbaahinta Caalamiga ah, waxaase jirtay Gabadh weriye ah oo ka tiranayd Telefishin laga leeyahay Dalka South Africa iyo Nin Filimqaade ah.oo la socday Dayuuradii Meydka Marxuumka sidey.
Dhowr todobaad ka dib, ayaan warkii Habeenimo ee Idaacada Radyow Hargeysa, aan ka dhegeystay Abaal-marin caalami ah oo la gudoonsiiyey Gabadhii Weriyaha ahayd ee Reer South Africa warbixintii ay ka diyaarisay Aaskii AHN M/weyne Cigaal oo markii la daawaday. ay noqotay Weriyihii Sanadka 2002. Ee Guud ahaanba Qaarada Afrika iyadoo lagu qiimeeyey muuqaaladii Dadkii kasoo qaybgalay Aaska oo tiradooda lagu qadaray In ka badan 360.000 (Saddex boqol iyo Lixdan kun).
Dhinaca kalena Madashii Aaska, waxaa D/hoose ee Berbea keentay Buug weyn oo kamid ahaa Diiwaanadii Xukuumadii Ingiriisku ugu talagashay Xarunta D/hoose xiligii mustacmarka, waxaana gacanta ku hayey Kayd C/laahi Xandule Xisaabiyihii D/ Hoose ee Berbera, tirabadan oo kamid ahaa ragii xog-ogaalka u ahaa shaqsiyadii AHN M/weyne Cigaal ayaana diiwaankaas ku sifeeyey inuu ahaa hogaamiye Qaran.
Waxa kale oo qalinka ku duugay Wasiir-udowlihii Arimaha debeda Dowladda Federaalka Itoobiya Tekeda Alume, oo sanadihii u dambeeyayna ahaa Safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya Itoobiya, oo sheegay In AHN Cigaal ahaa ruug-cadaa talooyin badan ka geystay Amniga Mandiqada Geeska Afrika.
Xaqiiqa ahaana Buugaa tacsida oo xambaarsanaa Macluumaad badan, waxa aan weydiiyey Halkii uu ku dambeeyay, waxaanu Mr Kayd, ii sheegay in la geeyay Madaxtooyada Somaliland, waxaase muhiim ah in la dhigo meel ay ka akhrisan karaan da’yarta soo kacday.
Marka dib loo qiimeeyo sidii Saxaafada Caalamka u sharaxday hayaankii dheeraa ee AHN Cigaal dhismihii dowladnimada oo kasoo bilowday meel cidla ah, oo aanay waxba jirin, balse mudadii uu xukunka hayey waxaa Somaliland yeelatay, Lacag, Ciidan, Dustuur qoran, nidaam maamul, Maxkamado iyadoo aanay jirin dabley dhib ku haysa amaanka.
Arimahaas oo aan ka jirin Soomaaliya inteeda kale, iyadoo Beesha caalamkuna faraha kaga gubatay sidii xukuumad dhexe loogu samayn lahaa.
AHN Marxuum Cigaal oo laysku raacay inuu ahaa Hogaamiye Saamayn weyn leh, qaar kamid ah Tilmaamihii Saxaafada caalamku waxaa kamid ahaa
Kathering Bond oo ahayd suxufiyad Idaacada BBC-da ka tirsan oo 1994 Hargeysa kula kulantay AHN Cigaal waxay sheegtay inuu ahaa Nin si aad ah isugu kalsoon oo qab siyaasadeed oo xor ahi ka muuqdo.
Dhinaca kalena Siciid Yuusuf Saleebaan (Afrikaani) oo kamid ahaa suxufiyiintii Wargeys kasoo bixi jiray Magaalada Burco oo lagu Magacaabi jiray Aragtida Togdheer, Qormo aan filayo inay ku aadanayd horaantii 1994 waxaa suxufigaasi ku sifeeyey Maxamed Ibraahin Cigaal, arin cajiib ah isagoo tusaale usoo qaaday Shayga soomaalidu u taqaano
Cigaalka oo ah Xadhig ka samaysan Rabadh (Caag) iyo dun isugu jira midabkiisuna madow yahay. Cigaalka waxaa si wareeg ah xagga u saraysa loogu duubaa Cimaamada iyadoo la muujinaayo, Ninka uu madaxiisa ka muuqdaana xaraggo u hadhay ma jirto, dhaqan ahaana markaad maqasho Cigaal, wuxuumbaa kugu soo dhacay Midabkaa madow ee madaxa u saaxiibka ah.
Qoraal farshaxan ah oo aan filaayo intii akhrisatay inaanay ilaa hada xusuustooda ka bixin ayuu ahaa.
Dhinaca kalena waxaa jirta Astaan kale oo cajiib ah. waa marka dib loo raaco Sooyaalkii AHN Cigaal oo u muuqda inuu saamayn gaar ah ku leeyahay Lrka 9,
Waxaa kale oo iyaduna yaabkeeda leh markii u horeysay ee Marxuum Cigaal xilka Somaliland qabtaa waxay ahayd 5.bishii May ee 1993kii waxaanu geeriyooday 3dii Bishii May 2002.
- Xiliga la Afgembiyey Xukuumadii uu raysal-wasaaraha ka ahaa waxaa Somaliya xor ahayd 9 Sanadood
- Xukuumadii MSBare ee talada kala wareegtay waxay jirtay 21. Sanadood, waxaanu xidhnaa 12 Sanadood halka uu xor ahaa 9 Sanadood
- Sanadkii 1982kii ayaa xabsiga laga sii daayey Balse Dowladii MSBare waxay sii jirtay 9 Sanadood
- Waxa uu Somaliland Madaxweyne ka ahaa 9 Sanadood
- Shirweynihii Boorama Codadka uu helay waxay ahaayeen 99 Cod
- Sanadku wuxuu ahaa 1993kii,
- Maalintii 4tii .Bishii 5aad.ayaa, Ergooyinkii Shirweynuhu isku raaceen in doorashadu dhacdo 5/5/93ka. Labad tiro ee hore Maalinta iyo Bisha isugeyn waa 4+5=9
- Magaalada uu ku dhashay waa Oodweyneh oo marka sidaa loo tiriyo 9 Xaraf
- Magaca Hogaamiye wuxuu ka kooban yahay 9 Xaraf
- Mudadii uu joogay Dalka South Africa waxay ahayd 9 Cisho
- Taariikhda uu geeriyooday waxay ahayd 3dii may waxaana la aasay 6 May marka laysu geeyo 3+6=9
- Maalinta Qaranimada Somaliland waa 18May marka laysku daro 1+8=9
- Sidoo kale 27 May waa Guda galkii Burco tirada 2+7=9
- Sidoo kale 31 May oo ah Gudagalkii Hargeysa iyo Aftidii dustuurka 3+1+5=9
- Cimriga AHN Marxuumku wuxuu ahaa 72 Sano iyo dhowr bilood markalena 7+2=9
- Magaca President oo Macno ahaan noqonaya Madaxweyne waa 9 Xaraf
Marka Abla-ablaynta tirooyinka lasii dhexgalano waxaa markale soo baxaya tirada 26 oo ah inta xaraf ee uu ka kooban yahay magaca Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, taasoo xisaab ahaan ku sidkan 26ka Juun madaxbanaanidii Somaliland ee sanadkii 1960kii